Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay dagaalka Tuka-raq ku dhexmaray Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ciidanka Maamulka Muqdisho ka amar qaata. Waxaanu madaxweynuhu si qoto dheer u sharra xay halka ay Somaliland ka taagan tahay Dagaalka iyo in aanay diyaar u ahayn in dhiig Soomaaliyeed daato, mar walbana ay diyaar u yihiin in ay wada hadal ku dhammaystaan 75km ee uga hadhay xadka Somaliland.
Madaxweynaha oo ugu horayn ka hadlay xaaladda Tuke-raq ayaa yidhi “Dagaalka ay Soomaaliya ku soo qaaday Somaliland, waxa aanu u aragnaa dagaal ay wadaan dawladda Muqdisho ka dhisani waxad idaacadaha dadka weriyeyaasha ah iyo saxaafaddu ay inta badan isticmaasho aan maqlay iyagoo leh Puntland iyo Somaliland, Puntland iyo Somaliland isma hayaan waa laba deris ah, waa dad isku mida, wax alle wax colaad ah oo taariikhiyan uga dhaxaysay oo jiraana ma jiraan, waxay isu qabsadaana ma jirto. Waxa weeyi siyaasad ka timid Muqdisho dawladeedu ay soo goysay ama ay doonayso inay ku hirgeliso inay tahay dawladda ka talisa Somaliland, in aanay jirin wax la yidhaahdo qaran Somaliland ah ee uu yahay gobol ay Xamar ka taliso oo Farmaajo iyo Khayre ay caalamka ku tusayaan inay tahay gobolada ay ka taliyaan mid ka mida, Markaa Somaliland 27 sannadood adkaysatay qarannimadeeda iyo hay’addaheeda iyadoo aan wax qoraala u gudbin dawladda Xamar ka dhisan dawladdan imika dhisan waxay la noqotay inay ciidan ku cabudhiso Somaliland, waa nasiib daro maanta in intaas oo dhallinyaro ahi ay ku dhintaan dagaal ay wadaan siyaasiyiin ama kursi ay fadhiyaan cimri dhererkiisa ha ku doonayso ama awood iyo kalsooni ay ummad u haynin oo mar hore ka goosatay ay kula hamuumayaan inay xoog ku soo gacan geliyaan”.
Dhinaca kale madaxweynuhu waxa uu sheegay in aanay ciidankeenu dagaal qaadayn balse haddii lasoo weeraro ay is difacayaan “ciidankeenu wuxuu tegay Tuke-raq bishii January 8- keedi, dad badan ayaa yidhaahda muxuu ciidanka Somaliland Tuka-raq u tegay? ciidanka Somaliland Tuka-raq waxa uu tegay 2013-kii, wuxuu tegay 2015-kii, waxa mar degay ciidanka Khaatumo ee maanta Somaliland la safan ee ka hortegay Puntland ayaa degay, wuxuu uga soo noqdaa meelaha uu dego ciidanku xilliyada abaaraha, jiilaalada iyo gu’yaalada, roobabka wuu aag bedeshaa, marka jiilaalkii wuxuu degaa meel biyo leh ilayn magaalo ma joogo oo riigag ma haystee. Shan iyo todobaatan (75km) ayey ka soo duulaan ciidankaasi halkaasuu ku soo weeraraa ciidanka, markii laga wadahadlay ee dhawr jeer la yidhi ciidanbaa ka soo baxaya Garoowe oo waxay diidan yihiin inaad Tuka-raq timaadaan oo Sool-ba soo gashaan, halkaa Tuka-raq ayaanu joogsanay oo waxa aanu ku nidhi Somaliland-na waanu joognaa xadka yagiina 75km baa ka hadhay jid bixiye ayaanu nahay maxaad qoonsateen, Muqdisho, madaxweyne Farmaajo ra’isal wasaaroow maxaad qoonsatay? jawaabta soo baxday waxay ahayd, waxaad ku jirtaan dhul aydaan lahayn oo xadadkii isticmaarkii miyaa la bedelay? haddii xadadka isticmaarka la bedelo afrikaba dee way isku dhex yaacaysaa caalamku kiibuu ku dhisan yahay, state-ka Xamar ee aynu imika maqalno ee la yidhaahdo Jubbaland iyo koonfurta Baydhabo iyo Hiiraan iyo Jawhar iyo Galmudug iyo Puntland waxay ku salaysan yihiin xuduudkii lixdankii markii uu ka tegay Talyaanigu ay u kala qaybsanaayeen waa goboladii Majeerteeniya.
Hiiraan alta-jubba, dharta jubba, ayuunbaa loo rogay state-yo taasa khal-khallaysa haddii laga tago. Markaa annagu maanan samayn xuduud Talyaaniga iyo Ingiriiskii u dhexeeyay waa wax caalamiya, cunfi kuma tegayno xitaa waxa aanu tegaynaa tiiyo Somaliland u dhan tahay oo reer Sool kow ka yihiin oo Sanaag bari kow ka tahay oo inay Somaliland wax dhisato ay dan mooday oo ay isugu timid”.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadal iyo hashiish inuu ku dhammaado khilaafka xuduudeed eek a dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “ Annagu waxaanu leenahay ka naga soo horjeeda wada hadal iyo walaalow maxay kula tahay ayaanu ku dhamaynaynaa oo aanu kula heshiinaynaa ka naga gardaran ee labada goor iyo saddeexda goor na soo weeraray ee 75km soo duulay ayaanu leenahay war walaalow ragga ha naga laynin war walaalow colaada jooji maxaad tabanaysaa miyir qab aynu kuwada hadalno”
Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu hadalkiisa ku soo xidhay oo uu yidhi “Waxaan caalamka u sheegayaa Somaliland-na u sheegayaa, haddii aanu Somaliland nahay marka horeba duulimaad ma nihin kuma duulayno cidna Garoowe weligayo ku tegi mayno colaad nabadgelyo iyo barwaaqo mooyaane taladeeda ma lihin Soomaaliyey ka tirsan tahay waa federaalka State ka Soomaaliya ixtiraam ayaanu u haynaa horumarkeedaanu jecel nahay, dadkeeda waxa naga dhexeeya walaaltinimo iyo wanaag kuma soo duulayno, dadka leh Garoowaa lagu soo socdaa kuma socono Garoowe, ma tegayno qofna wax yeeli mayno Soomaali ah ama reer Mudug ah ama reer Baydhabo ah midna colaad uma hayno, waxa la isku hayaa oo ay Somaliland hore uga tagtay waa siyaasi tiisi gabay oo dadkiisi dhibay oo annagana doonaya inuu na soo gaadho kaana ma aqbalayno la noogu iman maayo Somaliland, Xaalada maanta joogta ciidanku halkuu sideedii January degay ayuu taagan yahay ma dhaafayno cid walba waanu u sheegaynaa inta noo dhiman wada hadal ayaanu ku gelaynaa waar maxaad diidan tihiin ayaanu leenahay ku qasbi mayno qofka naga soo horjeeda inuu xabad ku qaato rayigayaga ciidankayaguna halkaasu joogayaa weerarna geli maayo xabadna u ridi maayo xagaa haddii lana soo weeraro waanu is daafacaynaa waa ku celinaynaa.”
Dawannews Hargeysa office