Hargeysa (Dawan)- Professor Dr. Brendid Cannon iyo Dr. Ash Rossiter oo wax ka dhiga Jaamacadda Khaliifa ee Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in heshiiska casriyeynta iyo maalgashiga marsadda Berbera ay Somaliland uga dhawaanayso qaddiyadeeda aqoonsi raadinta.
Labadan aqoonyahan waxay sidaas ku sheegeen maqaal xiiso badan oo ay ka qoreen Somaliland oo khamiistii lagu daabacay wakaallada wararka Turkiga Anadolu oo xafiiska warqabadka ee wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA soo xigtay.
Professor Dr. Brendid Cannon iyo Dr. Ash Rossiter waxay faalladooda ku sheegeen in jamhuuriyadda Somaliland oo aan wali aqoonsi ka helin caalamka uu muhiimad ballaadhan u lahaa heshiiska horumarinta dekedda Berbera ee ay Bishii May sannadkii 2016kii ay la galeen shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta.
Aqoonyahannadaasi waxay ku doodeen in heshiiska Somaliland ay la gashay DP World uu waxtar dhaqaale u yeelan doono Somaliland iyo dalka deriska la ah ee Itoobiya.
Professor Dr. Brendid Cannon iyo Dr. Ash Rossiter waxay iftiimiyeen in dawladda Dubia ay Somaliland ka saacidi doonto wershad kalluumaysi, waxa kaloo ay dhisi doontaa jidka muhiimka ah ee isku xidha Berbera illaa magaalo xuduudeeda Wajaalle ee isku xidha Somaliland iyo Itoobiya. Labadaas khabiir waxay caddeeyeen in Somaliland aanay fursado shaqo iyo dhaqaale kaliya ka heli doonin heshiiska soddonka sannadood socon doona ee maalgashiga marsada Berbera, balse uu noqon doono heshiis wax ka beddela muuqaalka siyaasadda dibadda Somaliland.
Dawannews Hargeysa office