Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Hungo kala Kulmay Buuhoodle

0
353

Buuhoodle (Dawan):- Maayerka degmada Buuhoodle ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Buuhoodle Cismaan Yuusuf Maxamed ,ayaa sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland in uu ku hungoobay socdaal taageero doon ah oo uu ku yimi magaalada Buuhoodle, isla markaana uu wali ku sugan yahay isaga iyo xubno kale oo la socday guri koonaha magaalada ah oo uu ku soo degay.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in dadweynaha degmada Buuhoodle ay ogyihiin in waxa uu u socdaa in ay tahay in uu helo wiilal ciidan ah oo uu dagaal geliyo laakiin taasi ay u suura geli waday

Maayerka Buuhoodle oo isagoo ku sugan xarunta gobolka Buuhoodle ugu waramay khadka taleefanka wargayska Dawan,waxaa kale oo u intaa ku daray in ay bulshada ka wacyi geliyeen in socdaalka Camay aanu fidno ka abuurin deegaanka gobolka Buuhoodle.

“Maalinnimadii shalay gelinkeedii hore ayuu soo gaadhay xarunta Buuhoodle madaxweyne ku- xigeenka Puntland mana dafirayno in la soo dhaweeyey, hase ahaatee waxay ahaayeen dad gaar ah oo socdaalkiisa ka hor usii diyaar ahaa oo ah cayladdiisa, safarkiisana waxaa ku weheliyey Xaaji Waal oo ah ku Xigeenka Baarlamaanka Mamulka Puntland, intaa waxa weheliyey waxoogaa istaaf ah iyo laba baron oo uu watey, waxaanu kaga degey magaalada hudheel koonaha kaga yaalla oo uu wali ku sugan yahay. Markii uu magaaladda yimi wuxuu bilaabay in uu kulamo la yeesho qaybaha kala duwan ee bulshada laakiin dadkii deegaanka iyo waxgaradkoodiiba way diideen in ay la yeeshaan kulamo oo ay ugu tagaan hudheelka uu ku degay.”

Maayerka oo ka hadlayay tallaabooyinka ay qaadeen waxaa uu yidhi. “markii uu magaalada soo gaadhay waxaanu kulamo la yeelanay qaybaha kala duwan ee magaalada waxaanan ka wacyi gelinay in aanu socdaalka Camay guud ahaan nabad gelyada deegaanka gobolka Buuhoodle iyo ka degmadaba in aanu saamayn ku yeelan oo aanu ka helin ciidanka uu doonayo in ay isaga iyo Cabdiwali Gaas in ay u soo dhintaan,arrintaana dadweynaha magaalada waanu isla qaadanay.”

Waxaa kale oo uu sheegay in bulshada Buuhoodle ay taqaano socdaalada noocaas ah ee loogu yimaaddo oo ay sacbka u tumaan laakiin aanay cidina ka raacin siyaasiyiinta deegaanka u dhashay ee aan bulshada waxba u tarin. “Dadka deegaanka Buuhoodle way ka dheregsan yihiin siyaasiyiinta deegaanka u dhashay ee aan waxba ugu filnayn ee markay doonayaan cid u dhimata uun u yimaadda waanay yaqaanaan sida sacabka loogu tumo marka hore laakiin hal shaqsi isagoo aanu raacin ayay hadana ku odhanayaan wadac-wadac oo uu kelidii iska tegayaa,muranna kuma jiro gobolka Buuhoodle dad ahaan iyo dal ahaanba in uu yahay Somaliland laakiin duruufo jira,ayaa sabab ka dhigaya xilligan in socdaalo kale siyaasiyiin deegaanka u dhashay oo Somaliland cadaw ku ahi in ay yimaadaan taasina dhawaan waxaan filayaa in ay iska dhammaan doonto marka dadku arkaan cidda wax u taraysa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply