Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha hay’adda u diyaar garowga aafooyinka iyo keydka qaranka Somaliland mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed ayaa ka hadlay kun iyo shan boqol oo saacadood oo ay qodistiisa ka wadaan banka Togwajaale kaasi oo ah qorshe kor loogu qaadayo hanaankii keydka rashinka qaranka.
Waxaana beerista mashruucani ka caawinaya labada hay’addood ee Red Cross iyo Red Cris, kuwaasi oo bixiyay badi kharashaadka ku baxaya qodista saacadahani.
Gudoomiyaha hay’adda u diyaar garowga aafooyinka iyo keydka qaranka Somaliland mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed waxaa uu sheegay in qorshahani yahay sidii loo helilahaa keyd raashin oo ku filan qaranka Somaliland “In aynu bankii Tog-wajaale mashruuc beerisa oo aad iyo aad u balaadhan wadankana wax weyn ka taraya maalintii aan shaqada imid dadkii aan la kulmay ee ugu horeeyay waxa ay ahaayeen Red Cris iyo Red Cross oo dhab ahaantii is huwan codsigii ugu horeeyay waxaa ay wixii maskaxdayda ka guuxayay in aynu keyd qaran runtii inaynu helo, dhab ahaantii hormood waxaa inooga ah waa wasaaradda beeraha anaga oo u mareyna nidaamkii wasaaradda beeraha anaga oo u mareyna in aanu marka hore helo mucaawino aanu ku qodi karo dhulkii maada siyaasadii madaxweynaha qaranka Somaliland noqotay in beeraha la tixgaliyo, anaguna aanu nahay keydkii qaranka oo ta wasaaradda beeraha ka soo goday iyo ta kaleba maada cida ay ku soo hoyan doontaa ay tahay hay’addani hayadaha Red Cris iyo Red Cross oo naga aqbalay inay naga caawiyaan kharashaadkii ku baxayay kunka iyo shanta boqol ee saacadood inay bixiyaan, aad iyo aad ayaan dhab ahaantii ugu mahad celinayaa, oo aanan kuba dhiiraneen hawl kale hadii aan dhinacooda ka suuragalin”
Gudoomiyaha gobolka Gabiley mudane Maxamed Cismaan Maxamuud (Indhabalac) oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ka gobol ahaan siweyn uga faa’ideysan doonaan mashruucani waxaanu yidhi “Mashruucani halkan ka socda ee sida qiimaha badan loo wado ee tacabka faraha badan la galiyay waxaa uu ka mid yahay waxaa uu ka mid yahay qorshihii madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu nagu hogaaminayay anaga ka gobol ahaana waxaa sharaf noo ah, in gobolkayagu yahay ka ugu mudan ee ka faa’ideysanaya markaa runtii waanu soo dhaweynaynaa mashaariicda laga qabanayo xaga beeraha”
“Sidaad ujeedaan bankaa Wajaale ee aynu maanta joogno hadii wax-soo-saar dhaba laga sameeyo Somaliland gabi ahaanba banka Wajaale ayaa ku filaanaya oo meel kaleba wax looga doonimaayo, nooc kasta oo khudaara noockasta oo bini’aadamku quuto waa ay ka baxayaan” ayuu yidhi gudoomiyaha degmada Togwajaale Xaashi Maxamuud Cabdi.
Dawannews Hargeysa office