Shacabka Gobolka Hawd oo Xoolo Nool Ku Wareejiya Ciidamada Qaranka

0
492

Baligubadle (Dawan)- Badhasaabka gobolka Hawd Yaasiin Maxamed Shidde ayaa deeq xoolo ah oo shacabka gobolka Hawd ay ugu deeqeen ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan Jiida hore kala wareegay maayiradda degmooyinka gobolka Hawd, waxaanay xoolahan tiraddoodu dhamayd 250 adhi ah.

Bali Cabane, Gumburaha, degmada Bali-Gubadle iyo Sayla, ayaa kamid ahaa degmooyinka gobolka Hawd ee xoolahan soo ururiyey, waxaana goobtaasi ka hadlay Maayiradda degmooyinkaasi oo cadeeyey sida ay ciidamadda Qaranka ula garab taagan yihiin shacabka gobolkaasi Hawd taageeradda Balaadhan, isaga oo intaas ku daray in ay maanta soo gebo gebaynayaan ururintii Xoolaha nool ee lagu caawinaayo Ciidamada Qaranka.

Waxaana goobtaasi ka hadlay badhasaabka gobolka Hawd Yaasiin Maxamed Shidde oo ka warbixiyey xoolahan lagu caawinaayo Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaha hore ee degmadda Tura-raq, waxaanu sheegay Badhasaabku in ay ka qayb qaadanayaan taakulaynta ciidanka Difaaca ee Jiidaha hore jooga, waxaanu intaas ku daray in ay kala socdaan Ciidamada Niyadda, Gacanta ayna ku caawin doonaan wixii maalkooda ka go’I kara.

Badhasaabku waxa uu sheegay in uu shacabka gobolka Hawd kala wareegay adhi dhan 250 neef oo xoolo ah, kuwaas oo uu si toos ah ugu wareejiyey adhigaasi wasaaradda Difaaca Somaliland, iyada oo masuuliyiinta Wasaaradda Difaaca Somaliland uga mahad celisay Shacabka iyo maamulka gobolka Hawd deeqdaasi xoolaha ah ee ay ugu talo galeen ciidamada Qaranka Somaliland ee Jiidaha hore.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply