Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha oo ka Hadlay Eedaymaha Puntland

0
311

Hargeysa (Dawan):- Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa jawaab adag ka bixiyay eedaymo ay Puntland caadaysatay iyo dagaal ay ku baaqday oo ay ku wada jiraan dawladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Garoowe.

Maalmihii u dambeeyay maamulka Garoowe ayaa ku celcelinayay in ay dagaal aan dhammaad lahayd ku soo qaadayaan Somaliland, dagaalkaas oo ay wada jir u wadaan abaabulkiisa dawladda Muqdisho iyo maamulka Garoowe.

Waxaa kale oo maamulka Puntland ee Soomaaliya uu marar badan ku cel celiyaa in Somaliland iyo Al-Shabaab ay xidhiidh wada leeyihiin oo ay dagaal ku wada qaadeen Puntland.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo been abuurka Puntland iyo dagaalka ay ku taamayso jawaab adag ka bixiyay ayaa sheegay in Somaliland iyo Al-Shabaab waxay kala yihiin caalamku ogsoon yahay isla markaana laga wada war qabo in Al-Shabaab ay weerar u geysatay Madaxtooyada Somaliland isla markaana Somaliland ciidamadeedu ka difaaceen in ay soo gasho gudaha Somaliland.

Maxamed Muuse Diiriye waxa uu intaa ku daray in Somaliland aanay diyaar ahayn in ay dalalka ay deriska la tahay ay colaad iyo dagaal lagasho. Waxaanu yidhi. “Beryahan dambe waxa ka soo yeedhayay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland masabid iyo hanjabaad iyo aflagaado joogta ah waxaanan is lahayn halla hadlina laakiin way joojin waayeen,ummadayada ugumaanu baaqin dagaal waxaanad moodaa in ay joojin waayeen hadaladaa ka soo yeedhaya waxaanan islahayn dagaaladaasi way joogsadeen.”

Wasiir ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray.”waxaanu madaxweynaha Somaliland nagu amray in umaddayada aan dagaal la gelin,waxay taagan yihiin Somaliland iyo shabaab ayaa walaalo ah ILLAAHAY walaalo nagama dhigin Al-Shabaab,shabaab waa urur argagixiso adduunyaduna noo tirin mayso oo aqbali maayaan waxaanu ahayn cidii u horaysay ee weerar ay ku soo qaadeen madaxtooyaddayada ayaanay soo weerareen.”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply