Baanka Dhexe ee Somaliland oo Bilaabay Diiwaan Gelinta Sarrifleyaasha Dalka

0
322

Hargeysa (Dawan):- Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaciyey inuu bilaabay diwaan gelin uu ku samaynayo sariflayaasha ka hawl gala guud ahaan dalka Somaliland. Diwaan gelinta sariflayaasha oo lagu bilaabay kuwa ka ganacsada magaalada Hargeysa iyada oo la siinayaa liisan cusub oo u ogolaanaya inay sarifaan lacagaha kala duwan.

Agaasimaha baanka dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey diwaan gelinta ay ku samaynayaan sariflayaasha iyo liisamada cusub ee ay siinayaan waxaana uu yidhi “Nidaam wanaagsan ayaanu bilawnay kaas oo ah liisankii aanu siinayno sariflayaasha oo aanu dib u eegis ku samaynay, liisan rasmi ah oo aan cidina foojari garayn Karin, oo aanu doonayno in nin kasta oo sarifleh ah uu hortiisa ku dhajisnaado kaas oo sawirkiisa leh, intii imika liisanka cusboonaysiisantay ee kharashkii bixisay aanu dhammaantood u diyaarinay kuwii kale ee wax lagu leeyahayna aanu dabagal ku samaynayno anaga oo nin walba u tagi doona oo marka uu kharashka cusboonaysiinta iska bixiyo aanu siin doono kan cusub.”

Agaasimaha baanka dhexe oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas ku daray “Marka aanu doonayno inay dadku kala noqdaan kuwo sharciyo kala leh oo ninkii sariflaha ahaa ee aanu liisanka siinay iyo ninkii kale la kala ogaado,si dadka suuqa ka shaqaysanayaa inay risiqooda iyo macaashkooda ku helaan si xalaal ah, si lacagta faraha badan ee sariflayaasha ah ee dad aan jirin wareejinayaa ay meesha uga baxdo oo qaladaad badan oo sixir bararka iyo waxyaabo badan keenaya, waxaanan ogaanay inay jiraan dad ciidaas ka badan oo aan ruqsad naga haysan kuwaas ayaanan u digaynaa.”

Sida oo kale agaasimaha baanka dhexe waxa uu ka hadlay faa,iidada ku jirta in la diwaan geliyo sariflayaasha waxaana uu yidhi “Marka ay dadku noqdaan qaar shuruucda ilaaliya oo ay arkaan in sharcigu shaqaynayo, amarada dambe iyo shuruucda dambe ee naga soo baxa in fulin karta ayaa noqon doonta sariflayaasha nala shaqayn doonta halka imika ay tahay in dad aanaan garanayn ay sarifayaan suuqa kuwaas oo ka baxsan awooda aanu ku maamuli karno.”

Agaasimaha baanka dhexe ee somaliland Axmed Xasan ayaa cadeeyey ciqaabta ay mudan doonan shakhsiyaadka aan u hoggaansamin liisanka cusub “Marka hore nin aan liisan haysan inuu ganacsado waa xadhig meeshana waa laga xidhayaa, xadhig ayaanu mutaysanayaa waxaana jira hab inoo yaala, nin aan cidi liisan siin oo ku shaqaysanaya meel liisan looga baahan yahay sharciga ayuu jabiyey oo waa la yaqaanaa maxkamadaynta, xadhiga iyo waxa u yaala waana la marinayaa.” Ayuu yidhi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply