Wasiirka Hawlaha Guud oo ka Warbixiyay Ujeedada Safarkiisa Gobolka Buuhoodle

0
263

Widhwidh (Dawan)- Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qabmi, ayaa sheegay in bulshadda gobolka Buuhoodle ay dhabarka u jeediyeen baaq qabyaaladaysan oo ay ula tegeen masuuliyiin reer Puntland ah.

Wasiir Qambi waxa uu tilmaamay in safarkii uu dhawaan Buuhoodle ku tegay madaxweyne ku xigeenka Puntland uu ahaa mid beelaysan oo uu ku doonayay in bulshadda degaamadaasi uu ku kiciyo si ay ugala qayb qaataan colaadda iyo dagaalka maamulka Puntland ka hurinayo gobolka Sool iyo Buuhoodle.

Waxa uu tilmaamay wasiirka Hawlaha guud in baaqaasi qabyaaladaysnaa ee madaxweyne ku xigeenka Puntland ula tegay bulshadda Buuhoodle uu ku guuldaraystay Camey oo aanay waxba uga suuro-gelin, iyadoo ay si cad u diideen dadweynuhu in ay wax ciidamo ah siiyaan.

Cabdirashiid Ducaale Qambi, wasiirka hawlaha guud ee Somaliland oo safar shaqo maalmahan ku marayay degaamo ka tirsan gobolka Buuhoodle oo shalay telefoonka ugu waramay weriye Najax Aadan Cunaaye, oo ka tirsan shebekadda Hadhwanaag, isagoo ku sugan degmadda Widh-widh.

Wasiir Qambi oo ka hadlayay safarka uu ku joogo Buuhoodle, iyo guul daradii madaxweyne ku xigeenka Puntland kala kulmay bulshadda gobolkaasi waxa uu yidhi “Waxay ku kala duwan yihiin ninkaasi (madaxweyne ku xigeenka Puntland), tolaayeey iyo ciidamo ayuu rarranayay, dadkana in la dagaalamo ayuu ku wacyigelinayay, oo Tuke-raq loo dagaal tago.

Anagu-na Tuke-raq waxba idinkama jiraan, oo waxba idinkama yaalaan, oo wax aad u dagaalantaan, iyo wax aad u dhibtootaan iyo sabab dhalinyaradda loo laayo, oo dawladda Puntland ee wakhtigeedu sii dhamaanayo, ma jirto ayaanu u sheegaynay. Taana dadweynaha badankiisu 90% (boqolkiiba sagaashan) way raaceen, waanay naga aqbaleen. Markaa sidaas ayay labadda arrimood u kala duwanaayeen”.

Wasiirka hawlaha guud ee Somaliland ayaa ku tilmaamay u jeedadda socdaalkiisa uu ku maray degaamo ka tirsan gobolka Buuhoodle iyo isla magaaladda Buuhoodle mid la xidhiidha xog-ogaal u noqoshadda xaaladaha nabadgelyo ee degamadaasi.

Waxaanu yidhi “Muhiimadda ugu weyn ee aan u imid Buuhoodle waxay tahay nabadgelyadda in la sugo, oo dhibaatooyinka laga waddo meelahaasi aanay dadkaasi qaadan. Waxaan soo maray Qori-lugud, oo beryahanba aanu ka wadnay nabadayn, iyo Buuhoodle dhexdoodda, taasoo aanu ku guulaysanay oo imika wadaddu si caadiya u furan tahay.

Waxa kaloo aan tegay Buuhoodle oo aanu saddex maalmood iyo laba habeen aanu joognay, iyo sidii dadku nabadgelyadoodda u ilaashan lahaa, oo dadkan colaadda doonaya aanu uga baajin lahayn. In aanu ka wacyigelino, si fiican ayaanay noola qaateen dadweynihii aanu la shirnay”.

“Waxaanu maanta (shalay) duhurnimadii gaadhnay degmadda Widh-widh, sidoo kale ayaanu iyana dadweynaha u wacyigelinay, si wanaagsan ayaanay noola fahmeen dadweynuhu arrintaasi.

Sidoo kale waxaanu galabnimadii tagnay meesha la yidhaahdo Caro-weyn, ayaanu ciidamo kuwa Somaliland ka tirsan iyo dadweyne-ba la hadalnay, waxaanan u sheegnay siday muhiimka u tahay nabadda in la adkeeyo”ayuu yidhi wasiir Qambi.

Dhinaca kale magaaladda Buuhoodle ayaa lagu tilmaamaa in ay horumar ahaan ka danbayso magaalooyinka kale ee dalka gaar ahaana dhinacyadda waxbarashadda, caafimaadka, biyaha, maamulka dawliga ah iyo adeegyadda kale ee aas aasiga u ah nolosha bini’aadamka.

Si baahiyahaasi ka jira Buuhoodle wax looga qabto, hadaba maxaa uga qorshaysan xukuumadda Somaliland ee talladda haysa wasiir C/rashiid Qambi, oo ka jawaabaya waxa uu yidhi “Waxaanu doonaynaa Buuhoodle in adeegyadda aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka iyo waxbarashadda intaba in aanu bilawno. Waanan ka bilaabaynaa si dhakhso imika markaan Hargaysa ku soo noqdo ayaanu waxyaabahaasi ka bilaabaynaa”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply