Somaliland oo ka Dareen Celisay Lacag ay ugu Deeqday Dawladda Soomaaliya

0
260

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo dhawaysay lacagtii dawladda Federaalka Soomaaliya ugu deeqday deegaanada ay ku dhufatay Duufaantii Sugar ee Xeebaha gobolada Galbeedka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in xukumad ahaan ay soo dhawanayaa cid kasta oo gacan ka gaysanaysa masiibada ka dhalatay dufaantii ku dhuftay deegaanadda xeebaha ee gobolada Sanaag, Saaxil iyo Awdal, waxaanu yidhi “Waannu soo dhawaynaynaa cid kasta oo wax inagala qabanaysa aafadii inaga soo gaadhay dufaantii bishan ka dhacday deegaanadeena, khaasatan deegaanada Awdal, waa aynu isku lahayn in aad xasuusataan mooyaanee sannadkii 2011-kii bishii October markii abaarta xun ay ka dhacday Soomaaliya waynu u gurmanay, waxaynuna u gaynay lacag dhan ilaa sagaal boqol oo kun oo doolar, markaa waanu soo dhawaynayaa.”

Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dufaantu aanay ku dhufan gobolka Awdal oo kaliya, balse ay saamaysay gobolada Sanaag Saaxil iyo Awdal, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “labada gobollee duufaanku taabtay maaha uun Waqooyi galbeed iyo Awdal ee duufaanku waxa uu saaamayn ku lahaa laga soo bilaabo gobolka Sanaag, gobolka Saaxil iyo gobolka Awdal, saddexdaa gobol ba wuu ku dhuftay. marka taa wixii ka baxsan waanu soo dhawanaynaa.”

Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo la waydiyey cid lagu wareejinaayo lacagta ay dawladda Soomaaliya ugu deeqday dadkii ku waxyeelobay deegaanada ay ku dhuftay Dufaantii Sagar ayaa sheegay in lacagtaa lagu wareejin doono guddida gurmadka dhibaatada ka dhalatay duufaannada. “Lacagta waxa lagu wareejinayaa guddiga aafooyinka oo imika gacanta ku haysa hawshaas,” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire oo u warramay Shabakada wararka Hadhwanaag News.

Shacabka Somaliland oo kaashanaya Xukumaddooda ayaa bishii October ee sannadkii 2011-kii lacag cadadkeedu ku dhan yahay hal milyan oo doollar ku wareejiyey shacabka ay walaalaha yihiin ee Soomaaliya oo ay xiligaas ku habsatay abaar daran oo dad iyo deegaanba waxyeelaysa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply