Suldaan Saleebaan oo Ku baaqay in Meel Looga soo Wada Jeesto Daminta Colaada Ceel-afweyn

0
265

Hargeysa (Dawan)- Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan ayaa baaq nabadeed u diray labada beelood ee walaalaha ah ee dhawaan ay dirirtu ku dhexmartay deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, waxaanu soo jeediyay in loo gurmado, islamarkana gacmaha leysu qabsado sidii xaaladaasi loo dejinlahaa.

Suldaanku sidoo kale, waxaa uu qurbajoogta ugu baaqay in ay faraha kala baxaan hurinta colaadda degmada Ceel-Afweyn, isla markaana ay ka shaqeeyaan, kana qayb qaataan hawlaha nabadaynta iyo gurmadka qaranku ugu jiro demita iyo soo afjaridda colaadaa sokeeye.

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan, waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada gudaha magaalada Hargeysa., waxaana hadalkiisu ka mid ahaa “Bariga Somaliland dhibaato ayaa ka taagan in badan ayaa la dhex-dhexaadiyay, hadana wali colaadii wey taagan tahay, nabarkuna haddii uu bogsan waayo in dhaqan loo diro ayay noqoneysaa, labada reer ee wax dhex-mareen mooyaane inteena kale waxaa inala gudboon in aynu arrintaasi daweynteeda gacmaha isu qabsano, oo fadhiga laga kaco oo gurmad loo diro, waxaanan si gaara u canaanayaa, reer Hargeysa oo aad moodo in colaada Suuriya ka socota iyo ta Ceel-afweyn in ay isugu mid tahay, oo aan warba loo heyn oo lagu odhanayo uun shaqaaqo ayaa ka dhacday. shaqaaqo waa ay ka badan tahay meesha 60-nin ku dhinteen 100-nin iyo dheeraadna ay ku dhaawacmeen waa in loo gurmada oo gurmad weyn laga galo daminta shaqaaqadaasi. saakana waaba ay ka waji xun tahay oo kuwii odayaasha aad u moodeysay ee salaadiinta u sheeganayay ummada ayaa warbaahinta hadalo xanaf leh isu marinaya,markaa waxaan leeyahay isla yaaba oo umadda isu soo dhaweeya, fidnada iyo is eedeynta iyo kala fogaanshiyaha iyo qolqol u kala qaadista iska daaya”

Suldaan Cismaan waxa uu tilmaamay in xukuumadda ay gacan ka geysatay daminta shaqaaqadani, hase ahaate aanay kaligeed ku filneyn ,waxaanu bulshada ugu baaqay in lagu garab galo sidii qayb looga qaadan lahaa xalinta shaqaaqadan soo noqnoqtay waxaanu yidhi “Inta badan waxaa xukuumadda lagu canaantaa maxay u kala qaban weyday, dawladu waa dadka, haddii aan dadkiisu u diyaar aheyn inuu wax wanaajiyo kaligeed waxba qaban meyso.”

Dhanka kale Suldaan Cismaan waxa uu qurbajoogta ugu baaqay inay faraha kala baxaan hurinta colaada degmada Ceel-afweyn waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan ugu baaqaya nimanka qurbajoogta ah ee had iyo jeeraale fidnada abuura, waar fidno aanay ubadkiinu ku dhimaneynin oo aanay dhibaato ka soo gaadheynin ha abuurina oo aad la rabtaan carruur kale inay ku dhimati, oo ubad kale inay ku qaxaan aad la rabtaan, Illaahey tiina kama dhigee fidnooyinka aad abuureysan carabka aad ku abuureysan ka waantooba.”

Leave a Reply