Xubno Ka Mida Golaha Degaanka Gabiley oo Dhaliilo u Jeediyay Maayarkoodda

0
271

Gabiley (Dawan): Xubno ka mida xildhibaanadda golaha degaanka degmada Gabiley ayaa eedo culus u jeediyay maayarka magaaladaasi oo ay ku tilmaameen in uu ku kacay musuq maasuq aad u baahsan mudadii uu xilka hayay.

Waxaanay xildhibaanadaasi sheegeen in maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi, uu ku sifoobay musuq maasuq, isla markaana uu mudan yahay in xilka laga qaado badhitaana lagu sameeyo.

Xubnahan ka tirsan golaha degaanka Gabiley ee dhaliilaha u jeediyay maayarka oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Gabiley ayaa xukuumadda ugu baaqay in si deg deg ah hanti-dhawrka qaranka loogu soo diro.

Xildhibaan Axmed Siciid Kibaar (Axmed-barre), oo ka mid ahaa xildhibaanadii shirka jaraa’id ka hadlay ayaa isagu sheegay in aanu maayarba u aqoonsanayn maayarka Gabiley, kadib markii uu ka waayay in hawlaha uu masuulka ka yahay u fuliyo si daacad ah.

Axmed Barre, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anigu imika maayar-ba uma aqoonsani maayarka Gabiley, waayo? Kalsoonidiiba waan kala noqday. Waxaanan ku sababaynayaa markii aan ka waayay toosnaan iyo in uu ummadda la tashado iyo golihiisa oo uu la tashado. Waxaad og tihiin gebi ahaanba inuu laalay fadhiyadii golaha degaanka Gabiley”.

Xildhibaanadaasi ayaa kala ahaa Mahdi Maxamed Xaashi, ayaa isna ku tilmaamay wax aan loo adkaysan Karin musuq maasuqa uu sameeyay maayarka Gabiley. “In aanu u adkaysan kari waynay musuq maasuqa baahsan ee ka socda gobolka Gabiley, ee uu hormoodka ka yahay maayarku”ayuu yidhi xildhibaan Mahdi.

Waxa kaloo isna halkaasi ka hadlay xildhibaan Axmed Yuusuf Cali (Cali Duul-duul), oo ku baaqay in rejadda keliya ee ay bulshadu kalsooni kaga heli karto xukuumadda madaxweyne Muuse in ay tahay hanti-dhawrka qaranka oo baadhitaan ku sameeya dawladaha hoose ee dalka gaar ahaana ta Gabiley.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Rejadda dawladda madaxweyne Muuse waxay ku xidhan tahay hanti-dhawrka oo dawladaha hoose gallay wuxuu soo saaro ayay ummadu sugaysaa. Haddii ay soo saaraan sidii awalba soo bixi jirtay, rejo la’aan ba laga qabayaa dawladda”.

Sidoo kale xildhibaan Iid Xasan Cabdi (iid Xasan Dheere), ayaa isna ku eedeeyay maayarka Gabiley in uu ku takri-falay hantidii umadda, isla markaana aanay jirin gebi ahaanba wax lacag ah oo dawladda hoose ee Gabiley u taalla baanka.

“Xaaladda musuq maasuq ee maanta Gabiley ka jirta, waxaa cadayn inoogu filan magaaladda waxaa dhexyaala jeegagii baanka lacagta lagaga soo waayay oo Cas, oo la yidhi lacagi uguma jirto baanka, ayaa magaaladda dhex yaacaya, oo ay shicibku sitaan”ayuu yidhi xildhibaan Iid Xasan Dheere.

Leave a Reply