Masuuliyinta Xarunta Agoomaha oo Dalbaday In Ubadka yar yar la soo Ciidsiiyo

0
304

Hargeysa (Dawan):- Masuuliyiinta xarunta agoomaha magaalada Hargeysa, ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland ee wax haysta in ay soo ciid siiyaan oo ay farxadda Ciidal-fidriga la qaybsadaan oo ay ka farxiyaan carruurta ku jirta xaruntaas ee lagu daryeelo.

Agaasime ku xigeenka xarunta carruurta agoomaha ah ee Hargeysa Saxardiid Maxamed Jaamac ayaa xukuumadda Somaliland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in la soo ciidsiiyo carruurta agoonta ah ee ku nool xaruntaasi.

“Xarunta waxaa ku jira ubad tiradoodu dhan tahay 429 kuwaas oo isugu jira ubadka agoonta ah iyo ubadka inta ay dhasheen la dhigey dariiqyada nasiibkana u helay inay dadku arkaan, waxaana laga yaaba haddii aan cid markaa nasiibku la kulmin in Eydu ay kala goostaan, tusaale ahaan ilmahaasi yar ee la helay, ee booliska amase bulshadu soo qaaddo, waxaa markaaba la geeya xarun boolis meeesha ugu dhaw, markan oo kale waa bishi ciidul Fidriga amase carafadaba, waa maalmaha maamul ahaan iyo masuuliyad ahaanba xoog u kacsan yahay ee ah, sidii carruurta yar yar ee aan cidba laheyn ay ula mid noqon lahaayeen kuwa kale ee aabbaha iyo hooyada leh, waxaa aad arkeysaa ilmahaa aan Aabbo laheyn, Hooyo laheyn, Awoow iyo Ayeeyo midna aan laheyn sidii uu u cidii lahaa, markaa qofkasta oo damiir leh waxaan odhan lahaa bal ka fikir, ilmahaasi yar sidii aad wax ugu qaban laheyd, heys odhan waa ubad dawladdu maamusho in qof walba wixii uu ALLE dartiis u geysanayo in uu ubadkaas ku ciidsiiyo waanu soo dhawaynaynaa waana ubad xil innaga wada saaran yahay.”

Wiil yar oo ka mid ah ubadkalagu daryeelo xarunta agoomaha Hargeysa oo dareenkiisa ka hadlaayy bulshadana farriin u diray oo la yidhaahdo Yaxye Maxamuud Xasan ayaa yidhi “Bulshoweynta reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan waxaanu ka codsaneynaa inay naga caawiyaan maalinta farxada ciidul fidriga, waxaan halkan sigaar ah ugaga mahad celinayaa dadkii na soo koriyay ee mustaqbalkayaga iska lahaa”

Hooyo Canab Xasan Nuur kana mid ah masuuliyiinta xaruntani ayaa si qiiro leh uga warantay xaaladaha nololeed ee ubadka goobtani ku nool waxaanay tdhi “Xaruntani waa xarunta agoomaha Hargeysa gaar ahaan qaybta ubadka ugu yar yar, ilma shalay illaa todobaadkan dhashay ilaa kuwa da’doodu u dhaxeyso 7-15-jir ayaa goobtan ku jira, ubadkaas oo isugu jira kuwa la tuurey ee aan cid laheyn iyo kuwa waalidiintoodu dhinteen, ee aan laheyn ayey heysa kuwaas oo ay soo xaqiijiso maxkamaddu, in aanay jirin cid daryeesha amase ciid-siisa, kuwaasina sidaa ayaa lahgu qabtaa, halka qaarkoodna ay dhalaan dadka waal-waalan ee suuqyada magaalada jooga, sida haweenka xuskoodii ALLE ka qaaday, kuwaasina sidaasi ayaa naloogu keenaa, markaa saddexdaasi qaybood ayay isugu jiraan oo ay goobtan ku yimaadaan, markaa ubadkani Somaliland oo dhan ayaa u ehel ah, waxaan hambalyo u dirayaa madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanan leeyahay madaxweyne hambalyo aad iyo aad ayaanu kuu soo dhaweynaynaa oo aanu kuu salaamaynaa, waxaanu leenahay waad nala arki doontaa duruufta taalla, Insha Allah haddii ALLE idmo , markaa waxaanu ka codsaneynaa bulshaweynta reer Somaliland, inay ubadka soo ciidsiiyaan oo ay duruufahooda ka war hayaan oo ay nala ogaadaan iyo baahida meesha taalla, ayaad ugu baaqaya bulshaweynta reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan, shirkada Sagal Jet ayaa soo ciidsiisay konton ka mid ah ubadkan halka 400 bilaa ciid yihiin waxaanu ka codsaneynaa cidkasta oo ALLE wax siiyay inay nagala soo qayb qaatan farxada ciidan”

Cawo Axmed Muxumed oo ka mid ah ubadka agoonta ah ee xarunta ku jira ayaa madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ka codsatay inuu kala qayb qaato farxada munaasibada ciidul Fidriga waxaanay tidhi “Waxaan halkan ka salaamaya maamulkeyga iyo macalimiinteyda madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaan ka codsaneynaa in uu nagu soo booqdo xaruntayada si uu noola qaybsado farxada munaasibada ciidda”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply