Somaliland oo Guul ka Gaadhay Tartan Calaamiya oo ka Socda Jabuuti

0
250

Jabuuti (Dawan)- Kooxda ku ciyaaraysa magaca Somaliland ayaa markii ugu horaysa ka qaybgashay tartanka ciyaaraha loo yaqaan CHESS-TA oo ka furmay dalka jabuuti , kaasi oo ay ku kulmeen in ka badan lix waddan oo ka socda bariga iyo badhtamaha Afrika.

Xulka ku ciyaara magaca somaliland ayaa hadda kaga jira kaalinta labaad iyaga oo gaadhay guulo hor leh oo is daba joog ah sida uu warbaahinta dawladda u xaqiijiyey safiirka somaliland u fadhiya dalka jabuuti danjire Cabdifataax siciid axmed . “Waxaa halkan noogu yimid kooxdii ka socotay Jamhuuriyadda Somaliland, oo dhab ahaantii ka soo qayb-gashay ciyaaro caalamiya, taasi oo loo yaqaano (Ches-ta) amase bahda shaxda ka mida, kana soo qaybgaleen lix waddan, oo badhtamaha iyo bariga Afrika ah” ayuu yidhi.

Danjire Cabdifataax Siciid Axmed ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee dalkeenu ka qayb galo isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “ Somalilandna waa markii ugu horeysay ee ay ka soo qayb-gasho ciyaartan iyada ah, dhab ahaantiina kaalin aad iyo aad u wanaagsan ayay ka gashay, ciyaartan oo soo gabagaboobi doonta 16-ka bishan, kaalinta labaad ayay run ahaantii Somaliland mareysaa waana wax lagu farxo oo guul ah, waxaanan aad u soo dhaweynaha bulshaweynta reer Somaliland iyo xukuumaddaba in run ahaantii nimankaa dhalinyarada ah la dhiirigaliyo waxaanay ciyaartani ka qabsoomi doontaa dalka Joorjiya, waxaanay ku ciyaarayeen magaca Somaliland iyo calanka ayay siteen Markii ugu horeyso iyaga oo kaalinta labaad galeen waa wax lagu farxo”

Tartanka ayaa waxa Somaliland magaceeda ku ciyaaraya labada ciyaaraha ee kala ah Cabdirixiin Aadan Buuni iyo Maxamed Cismaan Daahir waxanay noqonaysa markii ugu horaysa ee somaliland ka qayb-gasho.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply