Burco: Qiimaha Maciishada oo kor u Kacay Ganacsato la Xidh Xidhay iyo Shacabka oo Cabanaya

0
299

Burco (Dawan)- Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa si weyn ugu cabanaya kor u kac ku yimid qiimaha lagu kala iibsado maceeshada quutal-daruuriga ah, gaar ahaan Shaah iyo cuntada lagu iibiyo ee Burco.

Qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan dhallinyarada iyo waayeelka ayaa sida fiinta uga qaylinayey qiimaha shaaha oo lagu daray shan boqol oo shillinka Somaliland iyo kor u kac ku yimid cabitaanka iyo cuntada fudud . “ Sicir bararka iyo cabashadu maaha oo keliya shaaha waayo shaaha waxa ka horeeyey kor u kaca ku yimid cuntada laga cunayo macmacaanlayaasha sida sanbuuska oo laga dhigay kun iyo shan boqol halka sharaabkii labada kun ahaana uu sii maraayo saddex kun iyo shan boqol “ ayuu yidhi mid ka dhallinyarada ku dhaqan magaalada Burco

Odayaasha magaalada Burco oo la hadlay warbaahinta ayaa Madaxweynaha ugu baaqay in uu wax ka qabto sicir bararka kor u kac mooyee aan hoos u dhac lahayn “ Madaxweyne bulshadu way ku sugaysaa waxaanu ka cabanayaa nimanka dalka gubay ee naarta ka dhigay ee wax iibinayaa ilaa ka tajirka u sareeya ah duruuf ma keenin ee arrinta wax halaga qabto, shaaha baa qaali noqday haddi imika ay kun iyo shan marinayaan berri laba kun bay odhanayaan” ayuu yidhi

Dhinaca kale Ciidammada booliska gobolka Togdheer ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ganacstada magaalada Burco gaar ahaan mulkiileyaasha makhaayadaha lagu iibiyo. Shaaha.

Xadhiga ganacsatadan ayaa yimid kadib markii qiimaha shaaha lagaga cabo Magaalada Burco uu kor ukac ku yimid, kaasi oo uu koobka shaaha ah qiimihiisu noqday kun iyo shan boqol oo lacagta Somaliland ah halka uu markii hore ahaa qiimihiisu kun shilin oo lacagta Somaliland ah.

Sicir-bararka ka jira dalka Somaliland ayaa ah mid umuuqda aan weli xalkiisa la helin kaassi oo kusoo af go’ay odhaahdii Soomaalyeed ee ahayd “ ku dar mooyee ka dhim[in ma leh”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply