Duqa Degmada Sallaxley Oo Ka Warbixiyey Roobab Dabaylo Wata Oo Ku Dhuftay

0
258

Sallaxley (Dawan)- Guddoomiyaha degmadda Sallaxley Mr. Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine), ayaa ka warbixiyey khaasaraha rasmiga ee ay sababeen roobabka dabayl xoogan watay ee ka da’ay degmadda sallaxley iyo agagarkeeda , waxaanu sheegay in jiraa khaasare kale duwan oo isugu jira dhimasho , dhaawac iyo burbur hantiyeed .

Maayarka Sallaxley oo u warramayey warbaahinta dalka , ayaa xaqiijiyey in dhismeyaasha dugsiyada dawladda iyo guryo badan oo kale uu dumiyey roobkaasi oo da’yey muddo shan daqiiqo ah. “ Hal qof ayaa ku geeriyooday toban iyo saddex qof ayey dhaawacyo soo gaadheen laakiin dhammaan waa dhaawac fudud , guryaha dumay ee daaraha ah tiradoodu waa 24 tan , guryaha carshanta ah waa soddon iyo kow , goobaha ganacsi waa toban iyo kow , danta guud ama dhismayaasha dawladda ee burburay waa todoba ay ku jiraa dugsiga agoomaha , dugsiga sare , dugsiga hose dhexe , saldhiga iyo goobaha caafimaadka “ ayuu yidhi

Guddoomiyaha degmadda Sallaxley Mr. Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine ayaa u mahadcelinayey wafti ka socda xukumadda oo gargaar degdeg ah gaadhsiiyey goobta , waxaanu ugu baaqay umadda in ay gurmada lasoo gaadheen isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “ Waxaan u mahan celinayaa wafti uu hoggaaminaayo guddoomiyaha ka hortaga afooyinka iyo kaydka raashinka oo nasoo gaadhsiiyo wax yar oo degdeg ah kaasi oo ay ugu talo galeen in dadkaasi maanta ku noolaadan Waxa aanu umadda reer Somaliland ugu baaqaynaa ganacstada ,dadka muxsiniinta ah iyo ha’ayadda dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay goobtan ( sallaxley) soo gaadhaan “

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply