Sallaxlay: Xukuumadda oo Dib U Dhisaysa Cisbitaal iyo Isguulo Duufaaku Dumiyay Gurmadna Gaadhsiisay Bulshada

0
262

Hargeysa (Dawan):-Xukuumadda Somaliland,ayaa dib u dhisaysa isguulada iyo cisbitaalka degmada Sallaxlay oo ku dumay roob duufaan iyo dabaylo watay oo dhawaan degmadaa ka da’ay, isla markaana gurmad deg deg ah gaadhsiisay dadweynaha degmadaas.

Guddoomiyaha Hay’adda ka hortagga masiibooyinka iyo Kaydka raashinka -Faysal Cali Sheekh Maxamed,ayaa faah faahin ka bixiyay baaxadda qasaaraha ay geysatay duufaantii ku dhufatay degmada Salaxlay.

Waxaa kale oo uu sheegay gurmadka deg degga ah ee ay xukuumaddu gaadhsiisay xaaladda adagg ee degmada ka taagan ee duufaantu sababtay waxaanu yidhi. “markay taariikhdu ahayd 16/6/2018,ee bishan waxaa degmada Salaxley ka da’ay roob dabaylo xooggan wata, waxaanu gaadhsiiney gaadhi raashinka noocyadiisa kala duwan ah, degmada xaalad aad u adag ayaa qabsatay, waxaa ku dhintay wiil yar oo 4-sano jira, waxaa dumey 24 guri oo ah kuwii dhismayaashi caadiga ahaa , oo uu jiingadii ka qaaday halka qaarkoodna gidaaradu dumeen, waxaa kale oo iyaguna meesha ka baxay oo baaba’ay illaa 11-jiingadood, waxaa kale oo iyaguna dumay oo baaba’ay 28-buul Soomaali ah, khasaaraha ugu weynina waxaa uu soo gaadhay saddexdii iskuul ee ugu weynaa ee degmadu laheyd, Salaxley Primary and Intermidate broading School, dugsigii sare isagana qayb ka mid ah ayay jiingadihii ka qaaday, dugsigii agoomaha dayrkiina way dumisay saddex boqol oo mitir ayay dumisay jiingadahana qayb ka mid ah ayay ka qaadday, cisbitaalkii ubadka isagana qayb ahaan ayay jiingaddii ka qaaday, saldhiga degmadana isagana qayb ahaan ayay jiingadii kala tagtay.”

Dhanka kale gudoomiye Faysal Cali Sheekh waxaa uu sheegay inay hay’addaha dalka gudihiisa jooga ay ka wada shireen sidii gacan weyn looga wada geysan-laha khasaaraha ay geysatay duufaantii degmada Salaxley waxaanu yidhi “Hay’addihii dalka joogay oo dhan ayaan dhab ahaantii isugu yeedhnay, si gurmad deg deg ah bulshadaasi loogu fidiyo, laba ka mid ah dhismayaashi dugsiyadda waxaa dayactirkiisa iyo dib u habeyntiisa qaadatay SDF, cisbitaalkiina wasaaradda caafimaadka ayaa ballanqaaday inay dhisto oo ay dhameystirto”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply