Xukuumadda iyo WADDANI oo Yeeshay Kulan Lagu Xoojinayo Ammaanka Gobolka Sool

0
262

Laascaanood (Dawan)- Wafti ka socday xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa dedaal xoogan geliyay sidii loo adkayn lahaa wada jirka iyo midnimada bulshada gobolka, waxaanay maalmihii u dambeeyay kulamo la yeelanayeen qaybaha kala duwan ee bulshada.

Weftigan oo ka kooban Taliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdulqaadir, guddoomiye ku xigeenka hay’adda u diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Aw Jaamac Xirsi (Xawte), agaasimaha guud ee hay’adda qandaraasyada qaranka Maxamed Axmed Xasan Saadl (Jabarti Saadle), agaasimaha habmaamuuska madaxtooyada Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, iyo Cabdilaahi Maxamed Maxamuud Cilmi Jiidho oo ah sarkaal ka tirsan xarunta madaxtooyada.

Weftigan ayaa shalay kulan ballaadhan la qaatay masuuliyiinta iyo madaxda xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, kuwaaso oo uu hor kacayo Guddoomiyaha xisbiga Waddani iyo xildhibanad Fahiima Yuussuf Quuje iyo xubnaha kale ee xisbigaasi, waxaana kulankaasi lagaga hadlayay xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada gobolka Sool lagu qabtay hoteel Mustaqbal.

Ugu horrayn masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee gobolka Sool ayaa ka hadlay ujeedada kulankan, waxaana hadaladoodii ka mid ahaa “Kulankan maanta waxa aanu kaga wada hadlaynaa danta bulshada, siyaasad kaga hadli mayno, farriinta aan halkan bulshada u marinayaana waxa weeye dhamaan xisbiyada qaranka waxaa ka dhaxaysa nabadgelyada iyo danta qaranka, maantana waxaa isu kaaya keentay waxa weeye in aanu ilaashano nabdgelyada iyo wada-jirka gobolka, iyada oo nabadgelyadii gobolka oo duulaan lagu soo qaaday, taas ayaanu ka wada hadlaynay.

Xildhibanad Fahiima Yuussuf Quuje oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa tidhi “Maanta waxa aanu isugu nimi ee aanu ka wada shaqaynaynay waxa weeye in Somaliland gacmaha is qabsato oo ay midowdo, waxaanu ka shaqaynaynay nabadgelyada iyo wada jirka gobolka Sool.”

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda u diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Aw Jaamac Xirsi (Xawte), ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, waxaaanu yidhi “Maanta waxaa nagu martiqaaday xisbigii Waddani, xubnihiisi heer gobol, guddiyadiisi nabadgelyada iyo xubnihiisi gobolka, waxay noogu marti qaadeen in aanu ka wada tashano duruufaha ka jira gobolka Sool ee Amni, ee nololeed, horumarineed ee nabadgelyo in laga wada shaqeeyo, waanan uga mahad calinayaa.”

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda u diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Aw Jaamac Xirsi (Xawte), waxa uu sheegay in qof kasta oo aadame ahi uu u baahan yahay nabadgelyo, bulshada gobolka Sool-na sidaasi oo kale ayay ugu baahan yihiin nabadgelyada, waxaanu yidh “Qof kasta oo bani-aadam ah iyo bulshada ku dhaqan gobolka Sool, waxay u baahan yihiin nabadgelyo, taas ayaanuna ka wada shaqaynaynay.”

Taliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdulqaadir, oo isagu hogaaminayay weftigan ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu uga mahad celiyay masuuliyiinta xisbiga WADDANI kulankan wada tashiga ah, “Marka hore waxaan idiinka mahad celinayaa kulankan aad nagu marti qaadeen ee aad nagu maamuusteen, waxay muujinaysaa in danta qaranka iyo midnimada meel looga soo wada jeesto, xisbiyaduna ay ku midaysan yihiin danta qaranka, waxaynu ogayn khilaafyadii dhacay iyo xanaftii doorashada in la iska laab xaadhay iyada oo uu hormood u yahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halkan waxaynu isugu nimid inaga oo isku dhan in aynu xoojinno nabadgelyada deegaankeena iyo horumarkiisa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply