Xisbiga UCID oo Cisbitaalka ku Booqday Haween Puntland Lagu Soo Dhawaacay

0
266

Hargeysa (Dawan)- Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee UCID oo uu hoggaaminaayo guddoomiye Faysal Cali Xuseen (Waraabe) ayaa shalay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ku booqday haween lagusoo dhaawacay magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya.

Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la waxyeeleyo dumarka birimagaydo ah oo wax ay galabsadeen aanay jirin, isla markaana ay tahay wax ka baxsan dhaqanka dadka Soomaalida ah iyo guud ahaanba dhaqanka shucuubta Islaamka.

Goddoomiye Faysal oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “inaga ayey lahaayeen arday bay laynayaan inagu wax ma layno ee wax baynu dawaynaa inanta lasoo dhaawacay waxa adeer u ah garaad Jaamac garaad Ismaaciil , waa ninka aan had goor ku tilmaamo calaamadda Nabada ee aan ku idhaahdo ku dayda garaadada kalena “

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dhibka jira uu yahay colaada waxa ugu baaqay bulshada gobolka Sool inay nabada ka shaqeeyo oo meel uga soo wada jeesta Madaxweynaha Puntland ee doonaya in dhiigooda uu kursiga ku kororsado isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “ Waxa dhibka keenayaa waa colaad , colaadna dhib mooyee faa’ido ma keento waxaanu mar kale ugu celinaynaa Isimada , dadka gaaradka leh iyo dhallinyarada mustaqbalka doonaysa in nabad laga shaqeeyo oo ninkaa Madaxweynaha ah ee doonaaya inuu dhiiga dadkiisa iyo dadkeena uu ku kororsado kursiga laba sanno in layska diido “

Hoggaamiyaha Xisbiga UCID waxa uu dagaalka Tuka-raq ku tilmaamay rag bidaar leh oo garfeedh isku dilaaya , “In intaas oo qof in ay inagaga dhimato Tuka-raq waxa ay la mid tahay laba nin oo Bidaar leh oo Garfeedh ( shanlo) isku laayey , miyey u qalantaa in boqolaal qof inagag dhintaan tuulada yare e la yidhaahdo Tuka-raq ee xadkeena ku taal ee gaaladii xuduudka qaybinaysay qayb inagusoo raacisay , marka waxaan leenahay xuduudaha lama tabanaayo waayo afrika way diiday midowga yurub wuu diiday qaramada midoobayna way diiday ” ayuu yidhi Eng Faysal

Masuuliyiinta cisbitaalka guud ee hargeysa ayaa sheegay in gabadh ah labada dumar ay ku dhacday afar iyo toban tooriyood balse aanay ka gaadhin meelo halis .

Sahra Ahmed Garaad Ismaaciil iyo Casha Cabdi ayaa la sheegay in la toorayeeyay kadib markii ay magaalada Garoowe ka sheegeen in Laascaanood aanay ahayn dhul puntland leedahay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply