Warbixin: Boorame Maxay Kaga Duwan Tahay Magaalooyinka Kale ee Somaliland?

0
647

Boorama (Dawan) Goor amintu ahayd 3:40-daqiiqo ayaan ka ambabaxay magaalada Hargeysa ee caasimada u ah Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanan u socdaalay dhanka magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Jidka aan sii maray waxaa uu ahaa mid dayactir balaadhan lagu sameeyay oo aan laheyn wax burbur iyo godad ah midna illaa intii aan ka galeyay meeshi ujeedka socdaalkeygu ahaa.

Intii jidka aan ku sii jiray dhulka aan sii maray ee idhaheygu qabanayeen waxaa uu ahaa mid roobban, islamarkaana indhaha dadka siweyn u soo jiidanayay oo aanu qofku marnaba jecleysaneyn in uu ka jeesto.

Waxaa deegaanada aan sii maray maasheeyay raxmaadka EEBBE soona nooleeyay rejadii dadka beeraleyda ah, kuwaas oo sameeyey tacab dhan walba ah, iyaga oo beeray dalagyada noocyadooda kala duwan, sida Galeyda, Hadhuudhka, Digirta, Tamaandhada, Baradhada iyo waliba Basasha, iyo guud ahaan geed gaabka.

Dadka u soo ciiidda tagey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa iyagu jawi dareen farxadeed leh isku qaabilayay.

Safarkani waxyaabaha aan ka dhaxley ee iiga kordhay waxaa ka mid ahaa, dugsigii ugu horreeyay ee wiil iyo gabadh ay kursi kuwada fadhiistaan oo ku yaalla, degmada Dila iskuulkaasi oo magaciisa la yidhaaho Ciga-bile lana dhisay sanadkii 1954-tii, magaalada Goraya-cawl oo ah magaalo xuduudeed ay waxyar isu jiraan labada calan ee Somaliland iyo Itoobiya, sidoo kale waxaa ay indhaheygu qabteen oo wadada dhankeeda bidix kaa qabaneysa oo ku taala beerta Ayaan-badan beertaas oo ah mid Somaliland-na laga cashuuro Itoobiyana laga cashuuro, waxaay beertaasi kala qaybiya geed Gob ah oo ku yaalla badhtamaha beerta, intaa kaddib markii wax aan sidaas u badnayn aan dhaafay waxaa kale oo ay indhaheygu qabteen buur dheer oo la yidhaaho Eegi buurtaasi waxaa hoos yaalla laba qoys sida aan warka ku helay labadaasi qoys mid ka ka mid ah odayaashooda oo laan ka jaray geed ku yaala buurtaasi ayaa uu ganaxaay iyo xadhig isugu daray gumeystihii waddanka xukumayey ee Ingiriis, markii arintoodi iyo gartoodi la galeyna waxaa uu odaygiii yidhi “Eegi ma Iglan ayay ku taal mise Awdal ayay ku taal” sidaasi ayaanu magacaasi ugu baxay buurtan iyada ah,waxaa kale oo iyaduna buurtan ku xigta Shar-laga-naadi waxaanay, dadka deegaanku ii sheegeen in sababta magaca loogu bixiyay buurtan ay aheyd, in la fuuli jiray wakhtiyada ay colaaduhu jiraan halkaasina laga sheedaalin jiray wixii loo arko inay duulaan ku soo yihiin magaalada iyo deegaanada hoos yimaada, intaas kadib waxaa aanu istaagney daaqada magaalada Boorama oo ah meesha guud ahaanba laga wada arko magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Intaas kadib waxaa aan gallay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal,wixii ugu horreeyay ee ay indhaheygu qabteen waxaa uu ahaa gaadiidka Bajaajta loo yaqaano oo ah mid saddex taayir leh, kaasi oo qaybta ugu mihiimsan ka qaata isu socodka shacabka ku nool magaalada Boorama iyo nawaaxigeeda, waana gaadiidka kaliya ee aan sugin fursad uu goob ugu baxo, dhanka kale waxaa siweyn ii soo jiitay dadka xoolo dhaqata ah kuwaas oo qoysaskooda ugu soo safar-taga awrta iyo dameeraha oo ay gaadiid ahaan u isticmaalaan, iyaga oo ku keena dhuxusha, qoryaha, caanaha, qudaarta iwm, waxaanay ku bedeshaan hadba wixii baahidooda ah intaas kadibna ku rara awrtaas iyo dameerahaasi adeegii ay u baahnaayeen.

Magaaladan waxaa kale oo ay kaga duwan tahay magaalooyinka kale ee Somaliland waxaa ku yaalla goobo carruur iyo cirooleba loo dalxiis iyo nasiimo tago wakhtiyada galabtii sida Seeraha Boorama oo dhanka galbeed kaga yaalla magaalada, halkaasi oo kulmisa badiba dadyow dhalasho ahaan ka soo kala jeeda wadamo dhawr ah, sida Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya iyo meelo kale,waana goob ay badi dadku inta badan wakhtiga galabtii ay ku qaataan wakhtigooda firaaqada ah, waxaa iyana magaalada dhankeeda galbeed ku taalla buur la yidhaaho buurta Cas taasi oo ay fuulaan dadka ay telefoonadu u dhiciwaayaan ee doonaya inay la hadlaan eheladooda deggan dalalka Dibedda

Cabdifataax Xasan Daahir oo ah dirawal wata gaadhiga yar ee Bajaajta ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay ugu najaxeen iyo inay badbaado u noqotay dhalinyaradii u xadhka xidhneyd inay tahriibaan waxaanu yidhi “Waxaan gaadhigan yar ee Bajaajta aan dirawal ka ahaa muddo laba sano ah, waxaana camal la’aantii kaga baxay dhalinyaro aad u tiro badan, waxaanay ka badbaadisay masiibooyinka tahriibka iyo aafooyinka kale, gaadiidkanna waa ka kaliya ee aan laheyn fursad ee waa nin walba meesha uu ALLE wax ka siiyo, kumanaan qoys ayaana ku tiirsan oo lagu daboolaa baahiyahooda siweyna waa ay u kafeysa una daboosha noloshayada kharashaadkii nagaga baxayna waa mid soo saareysa, shidaal badanna kaama qaadaneyso dadkana qiimo jaban oo raalli galiya ayaanu ku qaadnaa, wax badan ayaan ka qabsaday intii aan watay gaadhigan yar oo waan ku mahadiyey”

“Gaadhigan yar ee Bajaajtu wax weyn ayuu noo soo kordhiysay wadanka waxkastoo aad u baahatana wey kuu qabaneysaa, dhalinyaradiina waa ay ku badhaadheen oo camal la’aantii ayay ka saartay wakhtigii hore ee aan gaadiidkan la helin wakhtiguna waa uu nagu adkaa kharashka nagu baxaana siyaado ayuu nagu ahaa anagu ka rakaab ahaan aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynay alxamdulillaah” waxaa sidaa sheegay Xasan Cismaan Xasan oo ka mida dadkii rakaabka ahaa ee ay sideen gaadiidkan yaryar oo la hadlay wargeyska Dawan.

Cali Faarax Miigane oo isaguna ka mida dirawaliinta gaadiidkan yar yar waxaa uu sheegay in ay qayb libaax leh ka qaadato isu socodka magaalada waxaanu yidhi “Adeega Bajajtani umada uheysaa waa mid wanaagsan kun iyo sideed boqol oo dhalinyaro ah ayaa kaga baxay bilaa camalkii, hadii Illaahey qadaro anigu waxaan ku talaa jiraa inaan ka gudbo oo aan afar amase saddex yeesho, anigu waxaan wada sanad iyo lix bilood muda gaadheysa bashu aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay kuwii soo sameeyayna waanu u mahad celineynaa waayo isu socodka magaalada qayb laxaad leh ayay ka qaadatay, anigana wax badan ayaa ii qabsoomey intii aan watay Bajaajtan, gaadiidkii xeebta ee aan la socon jiray ee qaadirada igu dilay waan ka reystay, maalinkii waxaan ka soo saara boqol iyo sideetan kun oo shilinka Somaliland ah, waxaanan ku koriya lix ubada iyo hooyadood iyo wixii qaraabo ah ee noo yimaaada”

Cali Faarax isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray “Wakhtigii ay wadanka soo gashay dareen xun ayay dadku ka qabeen laakiin imika waa ay ku faa’iideen ugu yaraan saddex kun oo midhbaa ka hawl gala gudaha magaalada Boorama, xaafadaha ay rakaabka u qaadaan ee ay u kala baxaanna waa Dhigta, Sheekh Cismaan, Sisibta, iyo xaafado kale oo badan,qof hadday helaan qofkay qaadan laba hadday helaanna labaday qaadayaan oo ay la dhaqaaqayaan oo maba istaagan, fursad wax la yidhaahdana ma jiro ee nin waliba nasiibkiisa ayuu qaadaya, dhallinyaradana waxaan ugu baaqaya inay jaaniska ka faa’ideystaan oo gaadiidkan Bajaajta kaxeystaan oo ay ku shaqeystaan waddankoodana aaminaan, oo saddex kunba la siiya gaadhigan yar ee intii uu ku tahriibi lahaa uu tan siisto”

Xildhibaan Bade Muuse Gaafane kana mida xildhibaanada golaha deegaanka ee magaalada Boorama ayaa intii aan warbixintaydan ku guda jiray iga warbixiyay horumarka dhinacyada badana ee ay magaaladu gaadhay intii ay golaha deegaanka joogeen waxaanu yidhi “Horumar aad u ballaadhan ayay magaalada Boorama gaadhay shantii sano ee ugu dambeeyay, taasina waxaa sabab u ah in Boorama ay tahay hoy waxbarasho amase meel loo soo waxbarasho doonto, iyada oo laga furay jaamacada Cammuud oo ah Hooyada jaamacada Soomaalida amase Somaliland-ba, teeda kale dagaaladii waddanka ka dhacay iyada gudaheeda wax badani kamay dhicin, tamartayada uunbay anaga ka gole deegaan ahaan la itaal tahay shaqadayadu waxaanu nimid magaalada iyada oo hal wado oo laamey ah leh, shalayto Boorama hadii roob da’o dadka ayaa kala xidhmi jiray oo dad badan ayaa ku xanibmi jiray laakiin maanta wax badan ayaanu ka qabanay dhanka dayactirka wadooyinka Illaaheybaana noo suura-galiyay”

Xildhibaan Bade waxaa uu xusay in magaalada Boorama ay ku taalo xuduuda aynu dalka Itoobiya la wadaagno islamarkaan ay noqon karto magaalada ganacsiyeed waxaanu yidhi “Magaalada Booram waxaa ay ku taallaa meel oogo ah oo ku dhaw xuduudda dalka Itoobiya, meelibana meesha ay xuduudka uga dhaw dahay inay ka wanaagsan tahay ayaan aaminsanahay, waayo dalka inala jaarka ah ee Itoobiya malaha dekado markaa magaalo ganacsiyeed ayay noqon kartaa, dadka dalxiisayaasha ah ee ka yimid gobolada kala duwan ee Somaliland iyo dalalka aynu jaarka nahayna waxaa u sababa suugaantii badneyd ee loo tiriyay Boorama sida “Indhihii Basaasow Boorama Ma aragteen” teeda kale qofku marku arko Huteeladan casriga ah ee laga bineeyay iyo goobahan magaalada ku teedsan ee wakhtiyada firaaqada loo nasiimada tago qofku waa uu u hiloobaya,dadka imanaya goobahan dalxiiskana waxaan leeyahay wanaag uun ku dhameysta si aan Illaahey nimcadiisu inooga gu’in, waxaa aad la kulmeysa magaalada marka dhanka galbeed aad uga yar baxdo aad arkeysa meel qiyaas ahaan isu jirta ilaa labaatan mitir, oo biyaha ka yimaada dooxa Hayayaabo iyo ka Dunbuluq iyo kuwa ka soo rogmada galbeedka magaalada ayaa halkaasi isugu yimaada kana dhaadhaca waana meel biyo xidheen laga sameyn karo wax badanna ka tari kara nolosha dadka deegaanka, hadii boobka laga ilaaliyona waxaa ay noqoneysaa goob dalxiis in kasta oo ay badankoodii ay bulshada u gacan galeenba dhulkii dalxiiska ku fiicna.”

“Boorama waa hoyga waxbarashada Somaliland waana hoyga Walaalaha Somaliland, waa meesha iska qabaw ee iska diiran, waa goob cimilada labadii loo baahnaaba aad ka helayso, waa goob Somaliland shacabkeedu kuwada nool yahay ka dalalka aynu jaarka nahey ee kaleba, buuraha magaalada ku teedsan magacyadooda waxaa la kala yidhaaha, Dunbuluq,buurta Saw, buurta Shar-laga-naadi, buuraha Sheymaha oo ah kuwa dhagaxa magaalada lagu dhiso laga soo guro, buurta Awr-dil, buurta Cabaad-dheere, buurta Aloog oo iyadu ah sil-silad isku xidhan, buurta Kalila, buurta Faraxood, , dooxa Todoba-qarmood, buurta Geesood amase Balalada, buurta Xeego, buurta Badan-bad, buurta Daran-caso, buurta Baki, Soomaalibeynu nahay oo ururinta iyo qoraalka taariikhdu waa uu inagu yar yahay, ee buurta Shar-laga-naadi iyadu magacani waxaa ay kula baxday wixii saameyn deegaankan ku leh ayaa laga saadaalin jiray, Awr-dila, awrta ayaa ku jajabi jirtay xiliyada dadka xoola dhaqatu hayaanka ku jiraan,Fulan-fuladii ayaa iyaduna meesha ku taala, buurta Saw, iyada mararka qaar waa ay gariirta oo gariirkuna xageeda ayuu ka soo bilaabmaa, gariirkaasina waxyeelo badan ayuu geystaa inkasta oo aanu imika sidii hore aheyn, cid baadhitaan rasmi ah ku sameysay sababta ay u gariirta baadheyna ma jirto”Ayuu yidhi xildhibaan Bade Muuse Gaafane.

Xildhibaan Bade waxaa uu sheegay in gobolka Awdal uu hodan ku yahay noocyada macdanaha kala duwan waxaanu yidhi “Gobolkani Awdal waxaa uu leeyahay macdano badan waana dhul dihin oo hodan ah, waxaa uu hodan ku yahay ciida laga sameeyo Rinjiga oo hadii imika buurta Qol-qol iyo soonaheeda aad gaadho waxaad arkeysaa Rinjigii oo wada kala duwan oo kala nooc-nooca, hadii aad hoos u dhaadhacdana milixdii ayaa jiifta oo waa waxyaabaha wali aanay dawladeenu ay canaanta ku leedahay, waayo milixdaasi waxaa aynu u iibgeyn laheyn wadamada jaarkeena, waayo milixda ugu badani waxa ay jiifta oo ay taala meesha lagu magacaabo Toqoshi, milixdii oo biyoobeysa ayaad arkeysa waana wax laga murugoodo iyada oo dalalka inagu xeersanina ay milix u baahan yihiin, oo loo soo dhoofiyo, waana waxyaabaha u baahan in laga faa’ideysto oo wax laga qabto meela looga soo wada jeesto xoogana la saaro, waxyaabaha kale ee gobolkani hodanka ku yahay ee aan laga faa’ideysan waxaa kamida beeraha oo uu hodan ku yahay, marka aad dhaafto Fidhi-xun ee aad bada gaadheyso halkaasina aad Lughaya gaadheyso, halkaasina aad Lowyacado gaadheyso waa dhul waxbeeshada ku haboon waliba diyaar u ah in Bariiska laga beero, teeda kale xukuumadu bada gobolkani leeyahay dadka uga faa’ideyso ayaan ugu baaqaya dhanka kale waxaan jaamacadaha iyagana aan leeyahay waa in aad cilmiga aad ardayda bareysaan aad ku dartaan Kuuliyadaha dhinaca bada si loo helo dad culuumta bada ku takhasuusay oo wax ka yaqaana, gobolkanina waa hodan Somaliland oo dhamina waa hodan wadankeenuna waa uu inag filan yahay maahe waa uu inaga hadh-hadhayaa, shacabkuna dadka madaxda u ah waa inay ku dhiirigaliyaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply