Hay’adda Qaxoontiga oo Diyaarinaysa Qorshaheeda Shanta Sanno ee Soo Socda

0
339

Hargaysa (Dawan)- Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland ayaa qabatay Shir lagaga hadlaayo qorshayaasha shanta sanno ee soo socda kuwaasi oo ay fulin doonto kuna shaqayn doonto muddo xileedkeeda.

Shirkan oo shalay ka furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargaysa oo socon doona muddo labo cisho oo lagaga hadli doono arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha ayaa waxa ka soo qayb galay guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo Barakacaasha, hay’addaha ka shaqeeya arrimaha qaxootiga iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif oo furay shirkaasi ayaa waxa uu sheegay in ujeedada kulanku uu yahay qorshayaasha ay doonayaan in ay fuliyaan shanta sanno ee soo socda , sidii loo ogaan lahaa tirada rasmiga ah ee barakacaasha dalka ku sugan iyo xogtooda rasmiga ah .

Mr Xinif ayaa sheegay in dadka qaxoontiga ah ay ku jiraan dad dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland kuwaasi kasoo noqday waddamada ay u qaxeen xilligii colaaduhu ka jireen dalka

Waxaana uu ha’yadda u sheegay in ay waajib ku tahay la macaamika dadka barakacaayasha ah ee duruufa nololeed kasoo barakiciyeen dalkooda hooyo .

Mudane Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa u yidhi “Ujeedada kulan kani waxa weeye in hay’adaha caalamiga ah ee dalka joogaa ay gacan naga siiyaan qorshayaasha aanu doonayno in ay noo fulaan shanta sanno ee soo socota, si aanu sugno tirada rasmiga ah ee barakacayaasha dalka ku sugan tiraradooda iyo xogtooda.”

Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif waxa uu sharraxay sababta loo asaasay hay’addan iyo masuuliyadda Madaxweynaha Somaliland u igmaday, waxaanu yidhi “Hay’adaha qaxootiga iyo barakacaaysha waxa madaxweynaha Somaliland u sameeyay bulsho nooc badan leh oo ajaanib leh oo reer Somaliland leh, waxaana ku hoos jira qaxootiga dadkii reer Somaliland ee dibadaha u qaxay ee soo noqday, waxa kale oo ku hoos jira dadka aan qaxooti loo aqoonsan ee magangalyo doonka ah iyo dadka reer Somaliland ee dalka guduhiisa ku barokacay iyo sidii ay macaamil wanaagsan ay ula kulmi la heeyeen qaxootiga iyo dalka ku sugani.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply