Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Shir Dhaqan oo ka Furmay Buurta Gacan Libaax

0
346

Hargeysa (Dawan)- Xukumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay shir dhaqameed maalintii sabtidii ka furay deegaanka buurta gacan libaax ee gobolka Saaxil .

Wasiirka Wasaarradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Boos Mirre Maxamed ayaa sheegay in xukumad ahaan ay u arkaan shir ay beel qabsanayo Shirka halkaa ka socdaa waa shir ay leedahay beel ka mida beelaha ugu waaweyn Somaliland , Xukumad ahaan waxa aanu u aragnaa shir ay beeshu qabsatay , annaguna waxa aanu tarno mooyaanee wax aanu dawlad ahaan yeelaynaa ma jirto boodhadhkiisuba waa kuwa hargeysa ku dhegsan “ ayuu yidhi wasiirka oo la hadlay telefashanka maxliga ah ee ERYAL TV.

Boos Mirre Maxamed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in xukumaddu ku lug leedahay qorshayaasha shirka lagaga hadlaaya oo ay lacag ku bixisay isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi Xukumadan diyaar uma aha horayso iyo danbaysaba in ay farageliso arrimaha iyo shirarka reeraha , mana taqaano dawladda uu Muuse hoggamiyaha ka yahay fargelinta iyo lacag ku bixinta shirarka reeraha waxa aanu sugaynaa wixii ka soo baxa

Wasiirka Wasaarradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Boos Mirre Maxamed ayaa sheegay in ay rajaynayaa in shirka uu kasoo baxo wax wanaagsan oo aan waxyeelo u gaysanayn nabad iyo qarannimada Somaliland waxa aanu rajaynaynaa in aanay kasoo bixin laba wax oo aan suuro galna ahayn inay kasoo baxaan , qarannimada Somaliland wixii waxyeelaaya iyo wax nabad gelyadda wax yeelaayaayuu ydihii

Shirkan oo buurta gacan libaax ee gobolka Saaxil ugu socda mid ka mid ah beelaha dega Jamhuuriyadda somaliland ayaa hore u baaqday arrimo farsamo darteed waxaana lagaga hadlayaa danta beesha shiraysa sida ay Wargeyska Dawan u sheegeen xubnaha shirka wadda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply