“Annaga Dhiig Soomaaliyeed Inaanu Daadino Dacari Nooma Hayso”

0
348

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Somaliland aanay diyaar u ahayn dhiig Soomaaliyeed oo daata , waxaana uu xukumadda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ugu baaqay in nabad qaatan . “ Madaxweynaha Somaliland in badan ayuu sheegay in aynu nabad rabno , qoladan Soomaaliya iyo maamulka puntlandba ee maanta weerarka inoo diyaarinaaya ee dhiig danbe oo labadeena dhinac ka doonta doonaaya waxa aan leenahay war annaga dhiig dacari nooma hayso oo dhiig Soomaaliyeed in aanu daadino ma rabo ee war dagaalka joojiya waayo soomaali adduunka dad ka yar ma jiro oo kama maarano rag iyo dumar midna oo dalkayga aanu dhisno haddii aydan ogolayn in aad kina dhisataan “ ayuu yidhi guddoomiyaha golaha guurtida oo ka hadlaayey Xuska sannad guurada 58 ee kasoo wareegtay madaxnaanida Jamhuuriyadda Somaliland .

Guddoomiye Saleeban ayaa sabab ugu dhigay ictiraafka ka raagay dalka degdegii lagula midoobay dawladda socod baradka ah ee Soomaaliya isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “ Ictiraafka 28 sanno inagu raagay degdegidii aynu la degdegnay xoriyadii aynu helnay ee isticmaar ka qaadanay ee saddex maalmood ka dib aynu ku tuurnay Xamar waa ciqaabtoodii baan is leeyahay , ILLAHOW ciqaabta noosoo yaree waa ganaaxee ILLAHAY waxaynu ka baryeynaa inuu inosoo yareeyo waynan ku mitidaynaa markan.”

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland , Saleeban Maxamuud Aadan ayaa Madaxweynaha ugu mahadceliyey qorshaha uu ka wajahaayo xaaladda colaadeed eek a jirta deegaanka ceel-afweyn oo shir nabadeed oo qaran layskugu keenaya kowda bisha todobaad ee sannadka laba beelood ee xurguftu ka dhaxayso.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply