Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Arrimo Xasaasi ah iyo Xuduudaha Afrika

0
263

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Muhiimada maalinta qaran ee xorriyada dalka , faragelinta xuduudeed ee dawladda Soomaaliya , xal u helida colaada raagtay ee u dhaxaysa beelaha wada dega deegaanka ceelafweyn, shir dhaqan oo beel ka mid ah beelaha Somaliland ugu ka socda buurta gacan Libaax ee gobolka Saaxil iyo hashiiska ganacsi ee shirkada DP. World

“Somaliland waxa ay ahayd maxmiyaddii Ingiriiska oo 26-kii June 1960-kii xorriyaddeeda ka qaadatay Ingiriiska, 27-kii June 1960-kii, Baarlamaankii Somaliland dood buu galay, waxaana ay soo jeediyeen in shuruud la’aan lagu raaco Soomaaliya oo markaa aan xorriyad qaadanin oo ahayd qayb jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa xukunto, dooddaas markii laga dooday qolo waxa ay tidhi aynu dib u dhigno ay kamid ahaayeen Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Garaad Cali Garaad Jaamac, waana halka ay kusoo baxday eraygii ahaa LAA YAA GARAAD, kalgacayl Soomaaliyeed bay ahayd iyo inay Soomaaliyi midowdo, sidaas ayeynu ku yidhaahdeen wax walba walaaltinimada ayaa ka weyn oo iyaguna (Soomaaliya) aanay waxba u hambaynin, ayey dhammaanba qarannimadii isku rareen, wixii ka dhacay baana ka dhacay oo soddon sano oo colaad iyo dagaal jirey ayey Somaliland qarannimadeedii xoog dib ugula soo noqotay, markii ay Somaliland ay xorriyaddeeda lasoo noqotay 1991-kii, 28-sano oo ka dambeeyeyna waxa ay inagula jireen dagaal iyo cuno-qabatayn oo ay ugu dambaysay taas maanta socota oo ah weerar colaadeed oo aan kala hadh lahayn iyo inay weliba waxa Somaliland lagu caawinayo ay caalamka ku yidhaahdaan lama caawin karo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu intaas ku daray, ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay xuskkii munaasibada 26 juun ee habeen hore lagu qabtay xarunta Madaxtooyadda Somaliland.

Madaxweyne Muuse ayaa ka hadlay qorshaha uu madaxweynaha Soomaaliya ku doonaaya inuu qaab isir ugu bedello xuduudaha bari ee Somaliland isaga oo arrinat ka hadlaaya waxa uu yidhi “Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo gacan-yarihiisa oo ah madaxweynaha gobolka Puntland waxa ay ku doodayaan ma oggolin xuduudihii Ingiriisku ka tegay ee caalamku oggol yahay ee Afirka dawladaheeda oo dhammi ku dhisan yihiine waxa aanu ku dagallamaynaa oo aanu doonaynaa dal isir ah, waxaana isukay qaban waayey haddii Afrika isir isir dal loogu sameeyo oo xuduudihii isticmaarka laga guuro, geeska Afrika sida uu noqon doono iyo sawirka ay arkayaan, waxayse noqon doontaa qalalaase horleh iyo dagaallo sokeeye oo aan waligood laga bixin.”

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka hadlay shirka deegaanka Gacan-libaax ee gobolka Saaxil uga socda mid kamid ah beelaha dega Somaliland, waxaana uu tilmaamay in wanaag iyo sii adkaynta nabaddu tahay waxyaabaha ugu waaweyn ee shirkaas laga filayo, waxana isaga oo arrimahas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aan idiin sheegayaa shirka ka socda Gacan-libaax, waxa aan ummadda u sheegayaa inuu kusoo gebo-geboobi doono dhawaan insha Allah waxa ay Somaliland ku faraxdo, waxan idiin sheegayaa anigu shirkaas ma joogo, ajandihiisana kama aan qayb-gelin, laakiin kor waayeel waa indho’e ummadda halkaas (shirka) isugu tagtay Somaliland cidina ugama lexejeclo badan, cidina uma halgan badnayn, cidina mustaqbalkooda kama jecla, sidaas darteed waxan ogahay inay kasoo bixi doonaan Somaliland wax ay ku faraxdo oo ah midnimada Somaliland iyo qarannimada Somaliland waa muqaddas, dawladda hala wada lahaado, wixii lagu kala cabanayona hallaga wada hadlo, kuna abshira, wax belaayo iyo colaad ah oo kasoo baxaysaana ma jirto.”

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu sheegay inuu dhawaan furmi doono shirweyne lagu soo af-jarayo colaadda u dhaxaysa bulshada walaalaha ah ee ku dhaqan deegaanka Ceel-afweyn, kaas oo qaranku xoogga saari doono sidii ay dareennada colaadda xambaarsani meesha uga bixi lahaayeen, “shirka labaad ee ina sugayaa waa ka Ceel-afweyn, waxa loo amba bixi doonaa bisha toddobaad (July) kowdeeda, Somaliland oo dhan baa tegaysa, insha Allahna muddo kooban marka la fadhiyo waxa kasoo bixi doonta dadkii is dilay oo walaalooba, khilaafka dhexdooda ah oo aynu xallino oo aynu kusoo midowno, waayo 27-kaa sanadood dhibaatooyin, dagaallo iyo khilaafyo ka waaweyn baa ina soo maray, dhammaantoodna sidaas baynu ku xallinay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa la saaray calanka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo madaxweynaha iyo cutubyo ka tirsan ciidanka qarankuba ay halkaas salaan ku siiyeen Calanka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay qaadatay 1960-kii.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply