Wasaaradda Waxbarashada oo Gobolada Dalka u Kala Dirtay Imtixaanka Shahaadiga

0
276

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland ayaa gobolada iyo degmooyinka dalka u kala dirtay kormeerayaashii ilaalinayay imtixaanka shahaadiga ah ee dalka, imtixaankaasi oo ay u fadhiisan doonaan ardayda dugsiyada safasallada afraad ee dugsiyada sare iyo siddeedaad.

Masuuliyiinta iyo kormeeraayashan ilaalin doona imtixaanka shahaadiga ah ee dalka ka dhici doona waxaa farriin talo iyo waano isugu jira faraqa ugu guntay masuuliyiinta ugu sareysa wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland.

Wasiirka waxbarashada iyo sayniska Somaliland mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaaka hadlay mihiimada ay qaranka u leedahay in siweyn leysaga xil saaro gudashada waajibaadka ilaalinta imtixaanka shahaadiga ah waxaanu yidhi “Aniga arrintani aad iyo aad ayay ila culus tahay, waana arrin miisaan weyn ila leh waa arrin cidkasta oo masuula, hadii ay yihiin gudoomiyayaasha gobolada hadii ay tahay gudoomiyayaasha degmooyinka hadii ay tahay dadka kale ee wasaaradda ee hawshani galaya, iyo hadii ay tahay in tayadan xarunta dhexe joogtaa ama xafiiska imtixaanadka ha noqoto ama wasaaradda inteeda kale ha noqote aniga dhab ahaan qof kasta oo hawshaasi ka qayb galaya waxaan u arkaa inay masuuliyad weyni saaran tahay, waxaanan ka filayaa qof walba oo idinka mid ahi inuu hawshaasi amase xilkaa saaran ee weyn uu guto, oo aan la yareysan qofkasta oo imtixaankaasi galaya ahmiyad weyn ayay u tahay deegaanka iyo dadka iyo gobolada Somaliland oo dhan mid walba ahmiyad weyn ayay ugu fadhidaa wixii ka xumaadaana wax weyn iyo dhib ayay geysanayaan arrintaasi aad iyo aad ayaan u qiimeynayaa oo ah inaynu aad isugu qiimeyno sanadkan laga bilaabo in qof walba ay u gasho inuu xilkiisa si wanaasgan u gutay, inuu imtixaankii ilaaliyay inaan imtixaanku gacantiisa ka bixin in imtixaankii intii uu dhacayay si fiican u socdo in ardayda iyo deegaanka iyo madaxda dawlada uu kaashaday in uu xil iska saaray iyo in kale in warbixin laga qoro ayaan doonaaya intiina ka qayb qadaneysa ilaalinta iyo kormeerista imtixaanka shahaadiga ah ee qaranka si aynu isugu qiimeyno hadii aad qaribto sanadkan sabab sanadka danbe laguugu dirsado xil ma jiro”

“Qofkasta oo masuuliyad qaada isaga ayaa waxaa uu masuulka ka yahay Illaahey kala xisaabtamayaa, waxaana waa masuuliyad culus oo mustaqbal dada inaguna yaynaan ku xadgudbin inaguna inaynu ku xadgudubno maaha masuuliyadaa laydin saaray sidii loo ilaalin lahaa idinka ayay idin saaran tahay”Ayuu yidhi gudoomiyaha xafiiska imtixaanka qaranka Somaliland mudane Daa’uud Axmed Faarax.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply