Sheekh Mustafe oo la Dardaarmay Bahda Caafimaadka iyo Dr Gabboose

0
305

Hargeysa(Dawan):- Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo ka mid ah culimda waawayn ee reer Somaliland, ayaa dardaaran u jeediyay bahda caaimaadka iyo Dr Maxamed Cabdi Gabboose, isla markaana ku hoga tusaaleeyay shaqada ay hayaan nooca ay tahay iyo waxa looga baahan yahay in ay bulshada u qabtaan.

Waxaanu sheekhu kula dardaarmay Dr Gabboose in shaqada caafimaadka ee uu bulshada u hayo looga baahi badan yahay ta siyaasiga ah ee uu ku soo dhex jiray, taasoo ah ta aqoontiisa iyo takhasuskiisu yahay ee ummaddu ay aadka ugu baahan tahay in uu u sii wado ta siyaasadana uu ka nasto.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in shaqada ay hayaan guud ahaan bahda Caafimaadku in ay tahay ta ugu muhiimsan ee qofka u tegayaa meeqaam kasta oo uu bulshada kaga jiro uu yahay qof jilicsan oo u baahan in loo adeego waxaanu kula dar-daarmay in ay ALLE dartii shaqadaa u qabtaan oo ay umadda u tudhaan.

Waxaanu Sheekh Mustafe sidaa ka sheegay mar uu shalay ka hadlayay furitaanka Haldoor Hospital oo Dr Gabboose Hargeysa ka hirgeliyay.

Sheekha oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi.”Digtoorka iyo dhakhaatiirta kale ee xafladda joogtaba waxaan leeyahay ALLE ha idin barakeeyo caafimaadkuna waxaynu wada ogsoonnahay in uu yahay waxyaabaha aadamuhu ugu baahi badan yahay in uu ka mid yahay waliba aan odhan karo bulshada dadka ugu jilicsan ee uu ugu kadan yahay,dhakhaatiirtuna markaa waxay la dhaqmaan.qofka aadamaha ahi marka uu ugu jilicsan yahay, qofkuna haddii uu caafimaadka waayo waa marka uu ugu jilicsan yahay meeqaam kasta ha lahaadee hadduu taajir yahay,hadduu fiqiir yahay hadduu Madaxweyne yahay iyo hadduu sheekh yahay ama meeqaam kuu doono ha lahaadee waa marka dadku ay ugu jilicsan yihiin markaas ayaanad la dhaqantaan,Rasuulkeennuna (SCW) waxaa uu yidhi qofka kurbo ka fayda qof muslim ah isna kurbo min kurbaati qiyaama ayuu ka faydaa,markaa dhakhaatiirta waxaan leeyahay shaqada aad qabanaysaan ha noqoto mid aad xagga ALLE ugu dhawaanaysaan oo aad u qabanaysaan Ajarna aad kaga doonaysaan dadkana u jiljilicsanaada oo u tudha.”

Sheekha oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray.”Waxaan ognahay in aqoonta cilmiga ah ee bulshada horumarka u leh aad loogu baahan yahay’dalkana ay aad ugu yartahay aqoonta takhasusaadka ah oo meelo fog fogna loo tegi jiray adduun badanina uu ku bixi jiray,markaa in halkan la keeno aqoon baahi loo qabayna waa horumar waanan soo dhawaynayaa ALLENA waxaan ka baryaynaa in uu innooga dhigo mid faa’iido innoo leh oo baahideena daboola,” Sheekha oo gaar ula hadlayay Dr Maxamed Cabdi Gabboose oo ah masuulka hirgaliyay cisbitaalka munaasibadda lagu furayay uu ka hadlayay,ayaa yidhi. “Dr Gabboosena waxaan marar hore aan ku idhi aqoontaada caafimaadka ayaanu uga baahi badannahay ta siyaasadda kana faa’iido badan e tan noo hay, maantana(shalay) waan ku celinayaa oo waxaan leeyahay tan (caafimaadka) ayaan uga baahi badannahay siyaasadda e tan noo xooji,taana markaad benshinka gaadho’ayaad u kiciye.”ayuu yidhi Sheekh Mustafe Xaaji IsmaaciilHaaruun.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply