Wasaarada Isgaadhsiinta oo Dalka ka Wadda Daraasada Horumarinta Tiknoolajiyadda

0
336

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, ayaa sheegay in ay wadaan daraasad dalkaoo dhan ay ku samaynayaan oo ay ku dersayaan horumarinta tiknoolajiyadda iyo daboolidda baahiyaha tiknoolaji ee dalku u baahan yahay,kuwaas oo laga qiimaynayo meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin ardayda Tiknoolajiyadda u barta Somaliland ee Jaamacadaha dalka ka soo baxa heerkooda aqooneed halka uu gaadhsiisan yahay iyo kor ugu qaadistooda, mawaadiniinta reer Somaliland ee hal-abuurka tiknoolajiyadda leh ee waxsoosaarka leh sidii waxyaabaha ay soo saaraan suuq caalami ah loogu heli lahaa iyo in dalka baahiyihiisa tiknoolaji ay daboolaan shirkadaha waddaniga ah oo aan la ogolaan doonin shirkado ajaanib ah.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in ay ku hawlanyihiin sidii isgaadhsiin dalka ku filan oo cidhiidhi badan oo hadda jira looga bixi lahaa in ay daraasadda ugu jirto,iyo in shirkadaha waddaniga ah la horumariyo isla markaana ay dalka keeni karaan shaqsiyaad aqoon ahaan looga maarmi waayo laakiin aan shirkado ajaanib ah aan la garab eryi doonin.

“Waxaanu wadnaa daraasad aanu ku samaynayno heerka tiknoolajiyad ahaan aynu gaahdsiinnahay iyo sidii looga sii horumarin lahaa iyo in muwaadiniinta reer Somaliland eel eh hal-abuurka tiknoolajiyadeed ee wax soosaarka leh sidii suuq caalamiya loogu heli lahaa waxsoosaarkooda iyo xataa xirfaddooda hal-abuurnimoba.”ayuu yidhi Wasiir Dr Cabdiwali.

Waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata. “waxaa jirta in baahi wayn aynu u qabno horumarinta tiknoolajiyadda aqoonteeda waxaanan wadnaa in ardayda reer Somaliland ee Jaamacadaha dalka innooga soo baxaysa aanu eegno heerka ay aqoontoodu gaadhsiisantahay isla markaana wasaaradda iyo jaamacadaha dalku ay iska kaashadaan kobcinta aqoonta ardayda oo khuburada wasaaraddu ay tababarro siiyaan si aynu u helno xirfadleyaal baahideena daboola,waxaa kale oo daraasadda noogu jira in shirkadaha waddaniga ahi ay daboolaab baahida tiknoolaji ee dalka oo aan la keenin shirkado ajaanib ah si aynu isugu filnaano gacmo shisheeyena uga xor ahaano shirkadaha ayaa la kobcinayaa iyaguna cidda aqoon ahaan baahi looga maarmi waayo shaqsiyaad xirfadleyaal ah way keensan karaan hadba baahida jirta awgeed,waxaa kale oo daraasadda ku jirta in la helo isgaadhsiin dabooli karta baahida adeegga isgaadhsiineed ee aynu u baahannahay.”ayuu yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi oo shalay u warramay Bulsho TV.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply