Xog Laga Soo Saaray Tirakoobka Shaqaalaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka oo soo Xidhay

0
297

Hargeysa (Dawan)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa munaasibad si rasmi ah ugu soo bandhigtay Xogta tiro koobka kama dambeysta ee diwaangelinta shaqaalaha dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo ay bilawgii sannadkan 2018-ka mudo 70-ka maalmood ku soo diwaangeliyeen.

Munaasibadda ay hay’adda shaqaalaha dawladdu ku soo bandhigtay diwaangelinta iyo tiro koobka rasmiga ah ee shaqaalaha dawladda Somaliland oo bilawgii sannadkan 2018-ka ay guud ahaan Goboladda iyo Degmooyinka Somaliland ka soo diwaangelisay hay’adda shaqaaluhu, waxaana madasha lagu soo bandhigay Tirokoobka shaqaalaha dawladda ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland md Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi (Saylici), Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, Saraakiisha kale ee Hay’adda shaqaalaha dawladda, Xubno ka tirsan golaha Wasiiradda, Xildhibaanadda golayaasha Guurtidda, Wakiiladda, Deegaanadda, Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland , Madax dhaqameed, Aqoonyahan, Saraakiil ka socota Bangiga Aduunka iyo Hay’addaha Caalamiga ee Wada shaqaynta la leh Hay’adda shaqaalaha dawladda lana fuliyey barnaamijkan diwaangelinta shaqaalaha dawladda, waxaana Guddoomiye Sharmarke Geelle uu faahfaahin ka bixiyey tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan dedaalkii iyo sidii naf huritaanka ahayd ee cid kasta oo barnaamijkan diwaangelinta iyo tiro koobka shaqaalaha dawladda ay mudadii uu socday ee 70-ka maalmood ahayd goboladda iyo deegaanadda dalka kaga soo fuliyeen iyo sida guusha ee uu mashruucani ku soo dhamaystirmay.

Ugu horayn Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md Sharmaarke oo madasha ka hadlay ayaa soo bandhigay xog buuxda oo dhinacyo kala duwan faahfaahin dheeraad ah ka bixinaysa, dhinacyadaas oo ay kamid yihiiin

1- Tirada shaqaalaha dawladda ee horay ugu jiray liiska mushahar bixinta

2- Tirada imika la soo diiwaangeliyey

3- Tirada faraqa ah

Gudoomiyaha oo madasha ka hadlaya ayaa bidhaamiyey sababaha maan-galka ah ee keeni kara maqanaashiyaha iyo tirada aan sabab cad ku maqnayn isagoo ku tilmaamay caaagleyaasha mudan in degdeg kaalmahooda loogu buuxiyo dhalinyarada shaqo doonka ah. Gudoomiye Sharmaake ayaa taxay sababa macquulka ah iyo tirada ku maqan

1- Dhimasho (Tirada shaqaalaha dawladda ee dhimatay balse weli ku jira liiska mushahaar bixinta ayaa dhan 172) gudoomiye Geelle ayaa xusay in degdeg qorshe looga soo saari doonno tiradan dhimatay.

2- Dhulyaal (Tirada shaqaalaha dawladda ee dhulyaalka ah ayaa dhan 132) kuwaas oo la jiifa xanuun haleelay

3- Fasax Waxbarasho (Tirada shaqaalaha dawladda ee dalka dibadiisa ugu maqan fasax waxbarasho ayaa dhan 87) , kuwaas oo dhawaan daba-gal adag lagu samayn doono si loo hubiyo runimada waxbarashada ay ku maqan yihiin

4- Fasax Caafimaad (Tirada shaqaalaha dawladda ee xiligii diiwaangelinta ku maqnaa fasaxa caafimaad ayey tiradoodu dhan tahay 69) Tiradan ayaa dhawaan dib loogu yeedhi doonaa si loo diiwaangeliyo, halkaas oo qofka soo xaadiri waaya shaqada laga joojin doonno

5- Wax ka qaldan yihiin (Tirada shaqaalaha dawladda ee wax ka qaldan yihiin magacdooda ama dood u socoto ayaa dhan 254) tiradan ayaa kala hufid kooban kadib la soo saari doonnaa inta lagu qanco iyo inta la qubo

6- Sabab kale oo macquul ah (Tirada shaqaalaha dawladda ee xiligii diiwaangelinta ku maqnaa sabaabo kale oo macquul ah gaar ahaan gobolada ayaa dhan 452) tiradan ayaa jadwal loo samayn doonnaa loogu yeedho , kuwaas oo inta lagu qanco maqnaashiyahooda la diiwaangelin doonno

Dhanka kale Tirada shaqaalaha dawladda ee aan sabab cad ku maqnayn ayey tiradoodu dhan tahay 1,302 , kuwaas oo hay’adda shaqaalaha dawladdu u aqoonsan tahay dad aan jirin ama mushaharkoodu qalad ku bixi jiray.

 

Ugu dambayn gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa taxay tallaabooyinka degdeg ah ee ay qaadi doonnaan isaga oo ku soo ururiyey 10-qodob:

1) Waxaa shaqo joojin lagu samaynaya cid walba oo lasoo waayey sidoo kalena aan ku maqnayn sabab lagu qanci karo Sida; Waxbaarasho ama Caafimaad

2) Waxaa qorshe cad laga soo saari doonna tirada shaqaalaha dawladda ee dhimatay

3) Waxaa shaqaale walba loo samaynayaa lana gudoonsiin doonnaa aqoonsi ID-CARD kaasi oo shaqaale walba-na yeelan doonno number u gaar oo wax walba looga tix-raaci doonno

4) Waxaa qorshe degdeg ah loo samaynayaa tirada shaqaalaha ee lasoo ogaaday in ay mudan yihiin derejo bedel iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda Horumarinta Maaliyada

5) Waxaa la bedeli doonnaa hannaanka mushahar bixinta iyada oo lala kaashanayo Xafiiska Xisaabaadka iyo Banggiga Dhexe isla markaana shaqaalaha loo samayn doonno xisaab bangi oo u gaar ah

6) Waxaa dib u habayn lagu samaynayaa Sharciga Shaqaalaha Dawladda SHARCI LAMB 7/96 isla markaana waxaa la dhamaystiri doonnaa dhamaan siyaasadaha ay u baahan yihiin shaqaalaha dawladdu

7) Waxaa degdeg loo hirgelinayaa siyaasada hawl-gabka halkaas oo inta gabowday si gobonimo badan loogu sagootin doonno

8) Waxaa Wasaarad/Hay’ad walba lala samaynayaa saablayda shaqo “Organizational Structure” si loo sameeyo shaqo daadajin iyo in qof walba loo sameeyo waajib shaqo “TOR” si loogu daba-galo shaqo gudashadiisa

9) Waxaa la samaynayaa nidaamka jajabinta derajooyinka mushahar bixinta oo imika ah oo 4 derejo A,B,C,D halkaas oo la gaadhsiin doonno ilaa 14 derejoMushahar bixineed

10) Waxaa nidaam hufan lagu buuxin doonnaa kaalmaha shaqo ee ku soo banaanaday kala hufidan

Dhanka kale, Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa xusay tirada shaqaalaha lab iyo dhedig ah ee shaqaalaha dawladda isaga oo xusay in 75% shaqaalaha dawladdu yihiin rag halka 25% ay yihiin dumar, isaga oo gudoomiyuhu xusay in ay markaas lagama maarmaan tahay in degdeg loo fuliyo wareegtadii Madaxwyanaha JSL kasoo saaray go’aankii golaha wasiirada JSL ay ku qaateen in kooto iyo kaalmo gaar ah loo xidho marka habluhu shaqada soo xaraystaan tartamada.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa xusay da’da shaqaalaha dawladda isaga oo sheegay in da’da ugu badan shaqaalaha dawladdu tahay inta u dhaxaysa 31 – 35 JIr kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 2,950 oo u dhiganta 18.4% halka shaqaalaha dawladda ee ka weyn 60jir yihiin 1,021 oo u dhiganta 7%

Sida oo kale, xogta ayaa iftiimisay heerarka aqooneed ee kala duwan ee shaqaalaha dawladda halkaas oo uu soo bandhigay heerarka kala duwan ee aqoonta shaqaalaha dawladdu leeg tahay

Waxaa xusid mudan in xogt ururintu iftimisay tirada xaaslayda ah shaqaalaha dawladda oo dhan 80.9% iyo inta aan xaaska lahayn oo dhan 19.1%

Ugu dambayn gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa xusay baaxada shaqadani lahayd iyo sida hufan ee haboon ee ay uga soo dabaasheen isaga oo u mahadceliyey cid walba oo gacan ku lahayd hirgelinta hawshan.

Wasiirka Shaqo gelinta iyo Arimaha Bulshadda Somaliland Marwo Hinda Axmed Xirsi Gaani oo iyaduna madasha ka hadashay waxa ay tidhi “Waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhalinyarta dayarta ah, ee qaybta lixaadka leh ka qaatay diwaangelinta shaqaalaha dawladda oo runtii aan odhan karo waxay gaadheen guul aan la filaynin aad iyo aad ayaan mar 1aad iyo mar 2aadba ugu mahad celinaynaa masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dawladda oo uu hogaaminaayo guddoomiye sharmarke geelle aan ugu mahadcelinayaa guusha uu qaranka isaga iyo kooxda uu horkacayaa u soo hooyeen ee maanta halkan aynu ku soo bandhigayno”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland md Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi (Saylici) oo ugu dambeyntii ka hadlay madasha lagu soo bandhigay xogta rasmiga ah ee tiro koobka diwaangelinta shaqaalaha dawlada Somaliland waxa uu yidhi “Waxa dhamaanteen maanta inoo sharaf ah ama inoo farxad ah ee maanta inoo soo gaba gaboowday madaxtaabashaddii iyo diwaangelintii shaqaalaha dawladda ee Somaliland oo ujeedooyinkii laga lahaa uu inoo sharaxay guddoomiyaha hay’adda shaqaalha dawladda oo ah in shaqaale tirsan oo tayo leh la helo , taasina ay qaranka horumarkiisa noqonayso , waxaan marka hore u mahadnaqayaa hay’adda iyo shaqaalaheeda , marka 2aadna waxaan u mahadnaqayaa hay’adda Bangiga aduunka oo mashruucan inaga taageeray oo dhaqaalaha inagaga caawiyey in aynu soo madax taabano dadkaasi shaqaalaha dawladda ee dalka guddihiisa ka hawlgala ee dalka inta leeg ku firidhsanaa aad iyo aad ayaanu ka xukuumad ahaan ugu mahadnaqaynaa cid kasta oo naga la shaqaysay arinta, muhiimaddeenu waxay ahayd aynu u soconay in la helo shaqaale sugan oo tayo leh, waxa weeye hadii aad dhakhtar u tagto oo aad ku tiraahdo madaxa ayaa I xanuunaaya wax uu ku siin uun Kiniinkii madax xanuunka , hadiise aad xaaladdaada uga waranto daawo ku anfacda oo wax ku tarta ayuu ku siin doona, waa in aynu aduunyadda u sheegna baahideena iyo waxa aynu haysano”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply