Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada afraad ee dugsiyada sare iyo sideedaad ee dugsiyada dhexe in maanta si rasmi ah loogu fadhiisan doono guud ahaan gobolada dalka, isla markaana dhammaan waxkasta oo looga baahnaa fulinta Imtixaanku uu gaadhay goobihii loogu talo galay, waxaanu guul u rejeeyay dhammaan ardayda u fadhiisanaysa.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in wasaaraddu ay si toos ah ula soconayso goob kasta oo Imtixaanka lagu gelayo, isla markaana wixii goobaha ka dhaca ama laga soo sheego in wasaaraddu maalin kasta galinka dambe ay ka fadhiisanayso tallaabana laga qaadi doono wixii imtixaanka gef ku ah, cid kasta oo la timaadda.
Ugu horrayn wasiirka oo ka hadlayay goobaha imtixaanku ka furmayo iyo dhamaan agabkii looga baahnaa oo gaadhay goobihii imtixaanadu ka dhacayaan, waxaa uu yidhi “Illaa hadda goobihii loo diray imtixaanka, si nabadgeliyo ah ayay ku gaadheen iyo dhibaato la’aan, iyada oo aanay waxba dhicin ilaa haddanu aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay, maanta 8;00 subaxnimana waxaa loo fadhiisan doonaa imtixaankii shahaadiga ah.”
Wasiir Prof: Faratoon oo ka hadlayay sida ay wasaaraddu ula soconayso dhammaan goobaha imtixaanku ka qabsoomayo ee looga fadhiisanayo iyo wixii ka yimaadda sida ay maalin kasta uga jawaabayaan ee ay xal uga gaadhayaan, waxa uu yidhi. “ALLE ayaanu idiinka baryaynaa inuu idinku guuleeyo imtixaanka aad galeysaan waxaanan ardayda ku bogaadinayaa Imtixaanka ay u fadhiisanayaan waxaanan kula dar-daarmayaa in ay maskaxda ka shaqaysiiyaan oo deggenaan iyo isku kalsooni Imtixaanka ku galaan.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay ayaa intaa ku daray “Waxaa laga doonayaa kormeerayaasha iyo macalimiinta ilaalineysa imtixaanka iyo cidkasta oo ku shaqo leh imtixaanka dalka ka qabsoomaya maanta in waajibaadka saaran ay si fiican u gutaan, ardayduna inay isku kalsoonaadaan meel ay joogaanba oo imtixaanka si fiican u galaan wixii lala kulmo intuu imtixaankaasi socdo galabnimada ayay wasaaraddu ka fadhiisanaysaa goob kasta oo wadanka ka mid ah wixii ka dhacay, si toosa ayaa naloogu soo gudbinayaa waanu qiimeynaynaa, tallaabana waanu ka qaadeynaa, ciddii imtixaanka xad-gudub ku sameysana wixii uu mudan yahay ayaana laga yeelayaa, sidaasina haloola socdo, ALLENA waxaanu ka rejeynayaa in imtixaanku si wanaagsan innoogu dhammaado mudada todobada cisho ee uu socdana ha la sameeyo dulqaad oo imtixaanku sidii uu ahaana ha loo galo.”
Dawannews Hargeysa office