Wasiirka Warfaafinta oo Abaal-marin Guddoonsiiyey Muwaadin ka jawaabay Su’aalo Dhaqan

0
305

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa xalay tartan kama dambays ah u qabatay 22-kii qof ee hore ugu guulaystay tartankii Barnaamijkii “Kobci Garaadkaaga”ee Bishii Ramadaan ka bixi jiray Idaacadda Radio Hargeysa, Telefishanka qaranka iyo Wargeyska Dawan, oo dadweynaha lagu waydiin jiray su’aalo la xidhiidhay dhaqanka, diinta iyo taariikhda Jahuuriyadda Somaliland.

Xaflad loo qabtay soo xidhaanta barnaamijka oo ka qabsoontay Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiirrada Warfaafinta, Shaqo-gelinta, Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, masuuliyiin ka socday Jaamacadaha dalka, shirkadda Telesom iyo dadweyne lagu soo martiqaaday xidhitaanka Barnaamijkaas oo noqon doona mid sannadle ah.

22-ka qof ee tartanka loo qabtay waxay hore ugu guulaysteen min 500.000 (Shan Boqol oo Kun), kadib markii uu mid waliba ka jawaabay shan su’aalood oo lagu weydiiyey barnaamijkii kobci garaadkaaga oo ay iska kaashadeen wasaaradda warfaafinta iyo shirkadda Telesom.

Tartankan waxa ka soo qaybgalay 18 tartame, afar qof ayaa ka baaqsaday , halka 17 qofna ay garan waayeen su’aashii la weydiiyey, waxase tartankaas ku guulaystay oo kaalinta koowaad galay Cabdiraxmaan Cali Khaliif, oo ah 45 Jir Tagsiile ah oo degan Hargeysa, waxaana gacanta lagaga riday jeeg lacageed oo ah 10 milyan oo SL Sh ah oo u dhiganta kun Doolar.

Maxamed Xasan Cali Weji oo ka mid ahaa qabanqaabiyeyaashii barnaamijkan ayaa wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA u sheegay in barnaamijkaasi uu ahaa mid saamayn leh oo bulshada oo dhan u furan, iyadoo qofkii su’aal kaliya ka jawaabaa uu qaadanayey 100.000 SL SH, waxaanu caddeeyey inay ka qaybgaleen ilaa 300 oo qof oo isugu jira qaybaha bulshada oo dhan.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Maxamed Muuse Abees oo ka hadlay xafladaas waxa uu yidhi “barnaamijka Kobci Garaadkaaga” wuxuu ahaa mid ay ka soo baxday natiijadii laga doonayey oo ahayd in kor loo qaado aqoonta guud ee bulshada, si dhallinyaradu u bartaan taariikhda iyo dhaqanka soo jireenka ah ee Somaliland.”

Wasiirka Shaqogelinta iyo Arrimaha Bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi ayaa wasaaradda warfaafinta uga mahadcelisay barnaamijka Kobci garaadkaaga oo ay tilmaantay inuu ahaa mid waxtar aqooneed u yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa sheegay in barnaamijkii “Kobci Garaadkaaga” uu ahaa mid wasaaraddu ay da’yarta iyo bulshada ku baraysay hodantinimada dhaqanka, diinta iyo taariikhda Somaliland, waxaanu xaqiijiyey in barnaamijkaasi ahaa mid furan oo bulshadu ay kala soo xidhiidhi jirtay idaacadda Radio Hargeysa iyo Telefishanka qarankaba.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu iftiimiyey in barnaamijkani uu noqon doono mid joogto ah oo bulshadu wacyi iyo aqoon ka faa’iido, waxaanu amaanay Guddidii soo qaban qaabisay iyo shirkadda Telesom oo gacan dhaqaale ka geysatay. Wasiirku wuxuu u mahadceliyey ka qaybgalayaashii kala joogay gobollada iyo degmooyinka dalka.

Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo waxa uu xusay in qurbajooga Somaliland ay la soo xidhiidheen wasaaradda isla markaana ay taageereen in barnaamijyada noocan oo kale ah la sii wado.

Ugu dambayn, waxa wasiirku shahaado sharafyo gudoonsiiyey masuuliyiinta idaacadda Radio Hargeysa, Telefishanka qaranka iyo Wargeyska Dawan oo si joogto ah u baahin jiray barnaamijka Kobci Garaadkaaga oo habeen walba saacad ka socon jiray bishii Ramadaan idaacadda iyo TV-ga.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply