Somaliland oo Dawlada Soomaaaliya ku Eedaysay In Aanay Daacad Ka Ahayn Wada-hadaladda

0
323

Hargaysa (Dawan): Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay dawladda federaalka Soomaaliya daacad ka ahayn wada-hadaladda u dhexeeyay, isla markaana taa bedelkeedda ay bilawday sidii ay u carqaladayn lahayd nabadda iyo deganaanshiyaha.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa arrintaasi ka hadlay isaga oo ku sugan dalka Belgium-ka una waramay Idaacadda BBC, waxaanu uu sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay sidii wadahadal loogu dhamaysan lahaa waxyaabaha u dhexeeya labada dal. Sida arrimaha masiiriga ah iyo qadiyadda gooni isu-taaga Somaliland iyo dhamaanba waxyaabaha kale ee ay Somaliland ka tabanayso Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Siday Somaliland madaxdeedda iyo madaxweynuhuba ay marar badan ka dhawaajiyeen mab’di’iyan Somaliland waxay qabtaa in wada hadal lagu dhameeyo siyaasiyan in waxyaabaha ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ee lagu muransan yahay, ama qadiyadda gooni isutaaga ha noqoto, ama waxyaabaha kala ee labadda wadan ka dhexeeyaba.

Somaliland mar walba aaminsan tahay in wadahadal lagu dhameeyo, oo loo maro dariiq nabadeed. Siyaasiyan Somaliland mar walba waa u diyaar in ay la hadasho Soomaaliya”ayuu yidhi LiibaanGaanxuug.

Mar uu ka hadlayay sababta ugu weyn ee wadahadalka in dib loo gallo hortaagan waxa uu yidhi “Waxay beesha caalamkoo dhami og tahay, oo Soomaali oo dhami og tahay. In marar badan shirar la galay waxyaabihii lagu heshiiyay, in aanay marnaba ixtiraamin Soomaaliya.

Waxa kaloo ka mida sababta aanay wadahadaladaasi u soconaynin mar walba in ay Soomaaliya dibin daabyo iyo hagar-daamo ay ku hayso Somaliland. Waxaana ka mida oo ugu danbaysay dadkoo dhamina markhaati ka yahay, waraaqdii ugu danbaysay ee ay Soomaaliya u qoreen qaadhaan bixiyeyaasha ee ay ku dalbanayeen in la joojiyo barnaamijka ay beesha caalamku sida gaarka ah ugu caawiyaan Somaliland”.

Waxaanu intaas raaciyay “Waxa kaloo ka mida heshiiskii ay Somaliland iyo Soomaaliya ka gaadheen maamulka hawadda iyo sidii ay uga baxeen qoladda Soomaaliya. Waxaa ka mida dibin-daabayadda ay ka wadaan goboladda bariga Somaliland.

Waxaa iyana ka mida go’aankii ay baarlamaanka Soomaaliya ku diideen heshiiskii maalingelinta dekadda Berbera”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply