Xukuumadda oo Dayactir ku Samaysay Jidka Isku Xidha Laascaanood iyo Tukaraq

0
289

Hargaysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland, ayaa bilawday dayactirka iyo dib udhiska waddada isku xidha magaalada Laascaanood iyo deegaanka Tukaraq oo roobabkii dalka ka da’ay ay waxyeelo ballaadhan u geysteen, isla markaana dhib badan ku haysay isu socodka gaadiidka isaga kala goosha gobolka Sool.

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa shalay soo kormeeray sida ay u socoto hawsha dib u dhiska jidka isku xidha Laascaanood iyo Tukaraq oo laga samaynayay meelo badan oo roobabku waddada ka goo’gooyeen. waxaanu sheegay in wadada la samaynayo shan KM oo meelo kala duwan ah oo roobabkii waxyeelleeyeen.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay gobolka Sool ka waddo mashaariic badan oo dhanka horumarinta ah, kuwaas oo wax weyn ka tari doona horumarinta gobolka.

Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu ku sugannahay waddada isku xidha deegaanka Tukaraq iyo magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, waxaanu socdaalkani daarranaa in aanu u kuur galno mashaariicdii xukuumaddu ka wadday gobalka Sool, halka ay marayaan waddadana waxa soo gaadhay waxyeelo ay keeneen roobabkii ka da’ay deegaanadan oo si weyn u waxyeeleeyay jidadka, shan KM ayaana meelo kala duwan oo waddada ah laga samayn doonaa,waxaanay waddadani qayb muhiima ka noqonaysaa is-dhexgalka bulshada ganacsiga iyo kor u qaadka dhaqaalaha gobalka Sool iyo dalalka aynu jaarka nahay waxaanan leeyahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadiisu aad ayay u mahadsanyihiin.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply