Maxaa ka Fulay Amarkii Madaxweynaha ee Badbaadinta Danyarta ku Dul Nool Dhaamamka?

0
281

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa amar ka soo saaray isla markaana faray in dadka laga raro sadex goobood oo halis ah oo ka mid ah degmooyinka caasimadda Hargeysa, ka dib markii roobab mahiigaan ah oo caasimadda ka da’ay ay sababeen geerida dad ka mid ah qoys daad ku qaaday xaafada Qudhac-dheer ee degmada Maxamuud Haybe.

Madaxweynaha Somaliland oo labadii bishii shanaad ee sanadkan socdaal kedis ah ku tegay subaxnimadii hore ee maalintaas dhaamka xaafadda Daami iyo dhaamka Jigjiga Yar iyo ka Qudhac-dheer, ayaa amar ku bixiyay in dhammaan dadka halista dul deggan ee dhaamamkaas hareerahooda yaalla in laga raro isla markaana biyaha laga sii daayo dhaamamkaas si aanay halis kale oo geeri sababtaa uga iman.

Amarka Madaxweynaha Somaliland ku dhawaaqay ayuu ku faray madaxda dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa isla goobaha uu faray in ay dadka ka raraan.

Booqashada sadexda dhaam ee degmooyinka Gacanlibaax (Daami), Maxamuud Haybe (Qudhacdheer) iyo Ibraahin Koodbuur (Jigjiga-yar) ee Madaxweynaha Somaliland socdaalka subaxnimada hore ku tegay ayuu kaga hadlay sidii loo badbaadin lahaa dadka sadexdaa dhaam duldeggan isla markaana biyaha looga sii dayn lahaa dhaamamkaas oo xilligaas buuxay.

Madaxweynaha oo booqashadii uu ku tegay maalintaas oo taariikhdu ay ahayd 02,05,18. Ka hadlayay waxaa uu yidhi. “Waxan idin farayaa cirkii wuu cusub yahay, balliguna wuu buuxaaye in aanay biyahaasi magaalada ku jabin oo la furo biyaha fadhiya, dadka deggenna sidii meel loo geyn lahaa oo khatarta looga badbaadin lahaa aad qabataan, 24-ka saacadood ee aynu joogno. daruurtaa taagan, Biyahaas buuxa iyo magaalada waa inaad kala furtaan, ciidankaad doontaanna dirsada”

Haddaba amarkaas Madaxweynaha waxaa illaa hadda ka fulay oo dadkii laga raray isla markaana biyihii laga si daayay Dhaamka Qudhacdheer, iyadoo degmada keliya ee amarkii Madaxweynaha si toos ah u fulisayna ay tahay Degmada Maxamuud Haybe, halka labadii degmo ee kale ay wali dadkii dul degen yihiin Dhaamamkii, in kasta oo biyihii fadhiyay laga sii daayay.

Waxaana jira qoysas badan oo danyar ah oo wali halistii dhaamamka Jigjiga Yar iyo Daami dul deggan oo weheshada halis mar kale ka iman karta dhaamamamka ay hoos deggan yihiin oo haddii daruur dambe hesho cidda ay ku fatahayaan ay iyaga tahay.

Waxaana looga fadhiyaa madaxda labada degmo iyo masuuliyiinta dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa in ay fuliyaan amarkii Madaxweynaha oo ay ka raraan dadka danyarta ah ee aan is qaadi karin halista ay ku dul noolyihiin ee dhaamamka.

Waxaa kale oo bogaadin iyo in lagu abaal mariyo mudan madaxda degmada Maxamuud Haybe oo fuliyay amarkii Madaxweynaha oo aanu la soo dhaafin xilligii la faray maalmo yar ka dibna ka raray dadkii danyarta ahaa halistii aay deggenaayeen isla markaana dejiyay dhul dadkaa la siiyay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply