Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe oo si Weyn Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Kaadhuf

0
327

Carrdiff (Dawan)- Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe oo ka mid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland, gaar ahaan gobolka Togdheer, oo todobaadyadii la soo dhaafay, safar ku maraayey qaarada Yurub, ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Kaadhuf ee dalka Ingiriiska.

Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe waxa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Kaardhif ee cariga Ingiriiska Jahliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan magaaladaas, waxaanay halkaasi ku wada qaateen Suldaanka iyo Jaaliyaddu kulamo ay iskaga xog waraysanayeen xaalada dalka iyo doorka qurbajoogtu kaga jiro horumarka ka socda Jamhuuriyada Somaliland.

Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe oo hadal kooban ka jeediyay munaasibaddii soo dhawayntiisa ayaa mahad naq ballaadhan u jeediyay Jaaliyadaha reer Somaliland ku dhaqan magaalada Kaadhif, iyo guud ahaan ba qaaradda Yurub, waxaanu dadweynihii soo dhaweeyay uga xog-waramay waramay xaalada dalku marayo ee dhinacyada nabad-gelyada, dhaqaalaha iyo horumarka.

Dhinaca kale, Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe ayaa muddadii uu ku gudo-jiray socdaalkiisan qaaradda Yurub, waxa uu soo dhawayn ballaadhan kala kulmay Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalooyinkan kala duwan ee dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaaloyinka Sheffield, Birmingham, liverpool, London iyo Oslo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply