Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Ergooyin Miisaan Culus leh oo u Baxay Nabadaynta Ceel-Afweyn

0
283

Hargaysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in shir nabadeed oo qaranka Somaliland isugu wada tegayo, la isugu keenayo labada beelood ee walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag, kaas oo laxaadka lagu wada saarayo deminta colaadda soo noqnoqotay, sababtayna qasaare dhimasho iyo dhaawac. marar badanna go’aamo laga soo saaray.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hoggaamiyay wefti ballaadhan oo ka mid ah ergayda nabadaynta u tegaysa Ceel-afweyn waxaa uu intaasi ku daray in labada beelood ee walaalaha ah ee shaydaanku isku qaaday loo baahan yahay in arrintooda aan la siyaasadayn oo aan lagu kicin, wax kasta oo colaad sii hurin kara, waxaanu bulshada reer Somaliland gudo iyo dibed ba ugu baaqay in ay ka dheeraadaan, wax kasta oo daminta colaaddaas dhib ku noqon kara.

Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxa kale oo uu intaa ku daray, in uu ka qayb gelayo furitaanka shir-nabadeedka labada beelood, isla markaana xaajada arrintan iyo ka gun-gaadhkeeda loo daynayo ergada Somaliland oo dhan ka socota ee isugu jirta culimada ugu waawayn Somaliland iyo madaxdhaqameedka dalka oo dhan. isla markaana ay u dhaafi doonaan illaa ay xal kama dambays ah ka gaadhayaan.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu tilmaamay in xukuumadda ay ka go’an tahay go’aanka halkaa ka soo baxa ee ergadaasi ay goyso, in uu noqonayo go’aan qaran oo xukuumadduna ay fulin doonto. isla markaana cid kasta oo ka baxda heshiiskaa kama dambaysta ah dhan looga soo wada jeesan doono.

Mudane Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi kooban oo uu khadka taleefanka ku siiyay wargayska Dawan, isaga oo ku gudo-jira socdaalka nabadeed ee uu ku tagay gobolka Sanaag.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isaga oo ka hadlayay shirka nabadaynta ah ee uu ugu kicitimay deegaanka degmada Ceel-afweyn, waxaa uu yidhi “Arrinta labadan beelood ee walaalaha ahi aad ayay u soo noq noqotay, qarankuna aad ayuu uga xun yahay in maalin-kasta ay dad iskaga keen dhintaan. waa nasiib darro iyo ficil shaydaan, in dad walaalo ahi ay maalin walba is dilaan. Waxaa hadda la go’aansaday in aan loo kala tegin. waxaana arrintaa nabadaynteeda gelaya 66 ergay oo ka kooban culimadii dalka ugu waawaynad iyo madaxdhaqameedka Somaliland oo dhan. waxaanu ka qayn gelaynaa furitaanka shirka iyo in aan goob joog u ahaano furitaanka wada hadalka, waxaanan ku dhaqmi doonaa go’aamada kama dambaysta ah ee ay ergadu halkaa ka soo saarto.”

Madaxweyne ku-xigeenka oo la waydiiyay haddii ay dhacdo in heshiis la gaadho oo haddana ay wax dhacaan, waxa uga meel yaalla xukuumad ahaan, ayaa kujawaabay, “horta mar kasta go’aamada la gaadhayay waxay ahaayeen kuwo nabadeed oo lagu dhex dhexaadiyay, laakiin nasiib darro ayay ahayd iyaga oo isu dhaartay oo ergadii nabadaynta hortooda ku dhaartay, in ay haddana isku noqdaan oo ay wax dhacaan. mar kastana dawladdu way ka xumayd in halkaa wax dambe ay ka soo noqdaan. diyaarna waxay xukuumaddu u ahayd in ay nabad gelyada ilaaliso, iyada oo ciidanka Somalilan ay hawlo qaran oo kale u yaallaan, ayaa awoodda la saaray in labada beelood la kala badbaadiyo, oo intaas oo ciidan ah la geeyay oo la kala dhex dhigay. laakiin dad wada dhashay oo wada jooga, haddaan caqligu shaqayn oo nabadu deeqin, dhib ayaa mar walba ka soo noqonaysa, imikana go’aanka kama dambaysta ah ee ay soo saaraan ergadaasi isugu jirta culimadii dalka iyo madaxdhaqaameedku ba, waxay soo saaraan wuxuu noqonayaa go’aan qaran. ka xukuumad ahaanna waxaa naga go’an fulintiisa, wixii intaa ka dambeeyana cidda u hoggaansami wayda, ee jebisa Somaliland oo dhan ayaa dhinac ka wada noqonaysa. dawladduna tallaabo ayay ka qaadaysaa.”

Madaxweyne ku-xigeenka oo la waydiiyay goorta shirku furmayo, ayaa ku jawaabay, “maanta (shalay) ergada badankeedii way bexeen, illaa berri (maanta) in ay isu wada yimaadaan, ayaanu filaynaa oo waanu isa sugaynaa, waxaanu furmi doonaa insha ALLAH Salaasada (berri).”

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenku intii aanu Hargeysa ka amba bixin, mar uu warbaahinta la hadlayay, waxa uu yidhi “Sidii loo soo afajari lahaa shaqaaqadii muddada ka socotay deegaanka Ceela-fwayn, oo soo noqnoqotay, ee ay dhibaatadu ka jirtay. waxaan ummadda Somaliland u sheegaynaa in maanta (shalay loo amba baxayo oo ergadiina oo ka kooban 66 ergay ay wada baxday, ergadaasi oo isugu jirta Salaadiin iyo Culimo Awdiin. waxaana la go’aansaday inaan hawshaa loo kala hadhin soo afjarideeda.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply