Wefti Ballaadhan oo Gaadhay Jiidda Hore ee Ciidamada Qaranka

0
283

Tuka-raq (Dawan)- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha golaha wakiilladda Somaliland, Baashe Maxamed Faarax oo ay ka mid yihiin, taliyeyaasha ciidamada qaranka iyo booliska Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan, Siyaasi Prof: Axmed Ismaaciil Samatar iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka qaranka, ayaa gaadhay jiidda Tukaraq ee gobolka Sool.

Weftigan ayaa waxaa jiidda hore ku soo dhaweeyay taliyaha aagga bari ee ciidanka qaranka, Sarreeye Guuto Cali Barre Xuseen, waxaanu taliye Cali Barre uga warramay weftiga hawlaha ciidanka qaranku u joogaan jiidda hore iyo sida ay dadweynaha u taakuleeyaan ee ay aas iyo aroos ba ugala qayb qaataan, isla markaana ciidanku ay uga warhayaan xaaladda nololeed ee dadka jilicsan.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa ciidanka gaadhsiiyey mahadnaq uu ka siday, madaxweynaha iyo labada goole ee qaranka. isaga oo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “waxa aan mahadnaq idiinka sidaa, Madaxweynaha iyo labada goole qaran, oo idiinka mahad-celinaya waajibaadka qaran ee aad gudanaysaan, meesha aad taagan tihiin iyo dadkiina aad dhiiga u huraysan. madaxweynuhu waxa uu ku baaqay xabad joojin iyo nabad, qoladda reer Mudug, nabad ku wada noolashaha waxay u yaqaanaan dafiicnimo. balse ciidanku halkan wuu joogayaa, kana noqon mayo, waana dalkiisii, waanu difaacayaa.”

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeyo Gaas Nuux Ismaaciil Taani, oo la hadlay ciidanka qaranka ee jiida hore, ayaa sheegay in muddo kow iyo laabatan sanno ah ay ku qaatay in Tukaraq ay gaadhan. isaga oo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ciidanka naga soo horjeeda, waxaannu isu jirnaa todoba Km, god-qaboobe ayaa la yidhaahdaa, tuulada xaggaa naga xigta. marka Burco laga soo qaado, illaa halkan aan joogno (Tukaraq), kow iyo labaatan sanno ayaanu ku nimid, oo marba meel soo degaynay. bulshada beesha caalamku halkan ayey ogashahay, madaxweynuhuna halkaa ayuu amarka nagu siiyey.”

Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samater oo isaguna goobtaasi ka hadlay ayaa shaaciyay in uu ciidanka qaranka ee jiida hore ugu deeqay konton neef oo adhi ah, waxaanu xusay muhiimada uu ciidanku leeyahay, isaga oo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ciidan laba arrimood ayuu u taagan yahay, waa in ay difaacaan Xuduudka waddankooda, iyo ilaalinta nabad-gelyada gudaha dalka, waana arrinta halkan idin keentayn ee dadka Somaliland ee gudo iyo debedda joogaa idiinku mahad celinayaan. Nabad-gelyo aan difaac lahayn, waa xuduud layska soo jiidho, marka Alle haydin la jiro, si kal iyo laab ah ayaan idiinku farxay markaan idin arkay.”

Axmed Ismaaciil Samatar oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray “Reer Puntland, waa dadkeeni, waa dad Soomaaliyeed oo aynu wadaagno Af, dhaqan iyo Diin, laakiin laba waddan oo ka la qaran ah, eyeynu nahay, sida ay waddamada dunidu yihiin oo kale. markaa Puntland waxaan leeyahay, tartanka inaga dhaxeeyaa, ku dagaal yaanu noqonin ee aynu horumarka iyo waxqabadka ku tartanno.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply