Mashruuca Biyo Ballaadhinta Caasimadda oo si Xawli ah uga Socda Koonfurta Hargeysa

0
245

Hargeysa (Dawan)- Mashruuca biyo ballaadhinta koonfurta caasimadda Hargeysa ee degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe ayaa hawshiisu si xawli ah uga socotaa goobaha laga fulinayo mashruucaas, waxaana hadda gacanta lagu hayaa jeexista wadiiqooyinkii beebabka isku xidhaya xaafadaha iyo kaydka biyaha.

Mashruucan oo ka mid ah biyo ballaadhinta Caasimadda Hargeysa waxa hirgelintiisa gacanta ku haysa wakaaladda biyaha Hargeysa iyo shirkadda SBI oo gacan dhaqaale ka geysatay mashruucan iyo golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa, waxaana hadda gabogabo ku dhaw qabyo tirka mashruucaasi ay baahida wayn u qabeen xaafadaha koonfurta Hargeysa.

Wariyayaal ka tirsan Wargeyska Dawan ayaa u kuurgalay habsami socodka mashruucan, isla markaana soo indho indheeyay qaabka ay u socoto hawshani, waxaanu su’aalo ka waydiiyeen hawl-wadeenadii gacanta ku hayay hawshan, kuwaasi oo sheegay in ay gacanta ku hayaan jeexista wadiiqooyinkii la dhigi lahaa beebabka.

Maxamed Ibraahin oo ka mid ah hawl-wadeenada gacanta ku haya mashruucan, isla markaana ah darawal wada mid ka mid ah Cagaf-cagafyada ka shaqaynaya qodista jidadka la dhigayo beebabka ayaa Wargeyska Dawan uga waramay hawshan, waxaanu yidhi “Halkani waa xaafadda Masalaha, waxaanu maalmahan ba ka shaqaynaynay in aanu jeexno wadiiqooyinka la rabo in la dhigo beebabka biyaha, kuwaasi oo si toos ah ugu xidhmaya Berkadda Kaydbiyoodka ah oo sannad ka hor la dhisay iyo guryaha xaafadaha Axmed Dhagax iyo Maxamuud haybe.”

Si kastaba ha ahaatee mashruucan biyo ballaadhinta Koorfurta Hargeysa ayaa ka socda degmooyinka koonfurta caasimadda, iyada oo bulshada halkaasi ku dhaqani ay baahi weyn u qabeen in ay mar uun helaan biyo ku filan, taas oo ah baahida ugu wayn ee ay maanta tabayaan, waxaana hadda la filayaa in hawsha mashuuracni ay ku soo dhammaato muddo dhaw.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply