“Waxaad Tihiin Dad Walaalo ah ee Nabad Qaata oo Colaadda Joojiya” Abwaan Axmed Saleebaan Bide

0
307

Hargeysa (Dawan) Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ka mida abwaaninta waa weyn ee reer Somaliland ayaa bulshada ku dhaqan deegaanka Ceel-Afweyn ugu baaqay inay nabada qaataan oo ay colaada joojiyaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu wado bandhig faneed ka hadlaya qiimaha nabadgelyadu ay leedahay oo uu ku soo bandhigi doono deegaanka Ceel-Afweyn isaga iyo fannaaniin kale oo badan.

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa dad is wada dhalay oo cimrigood wada noolaa, waxaan ugu baaqayaa oo aan leeyahay nabadda qaata oo colaadda joojiya, annagu dadka nabadgelyo ayaanu ku waaninaa ee xumaan kuma waanino, kuwa naga danbeeya iyo kuwa nala joogaba waxaan leeyahay aynu nabadda ka wada shaqayno. Anagu gar eexo ma galno, bulshada Somaliland-na waa isku mid, samaantuna waa ta Alle, dadkuna si wanaagsan haw wada noolaadaan, aniga oo calanka nabadda sida ayaan Ceel-Afweyn tagayaa oo wada bandhig faneed nabadgelyada iyo qiimaheeda la xidhiidha.”

Axmed Saleebaan Bidde waxa uu intaasi raaciyay “Waxaan leeyahay rasaastu shisheeye uun bay kaa celisaa ee waxba ma tarto, halkanna shisheeye ma joogo, ee Carruurtiina ayaad cuneysaane dagaalka iyo colaadda riiqda dheeratay joojiya.”

Sidoo kale waxa uu Abwaan Axmed Saleebaan Bide waxa uu bulshada ku dhaqan deegaanka degmada Ceel Afweyn ugu baaqay inay joojiyaan dhiiga dadka Muslimka ah ee ay daadinayaan waxaanu yidhi “Dad islaama ayaynu nahay, dad miyir qaba ayaynu nahay, sulaadiin ayaynu leenahay, cuqaal ayaynu leenahay, madaxtooyo ayaynu leenahay, waxgarad ayaynu leenahay, aqoonyahan iyo mutacalimiin ayaynu leenahay, waayo arag ayaynu leenahay, gabayaa ah, culimo aw diin ayaynu leenahay, dadkan is dilaya maxaa ugu jira dhiiga maatida iyo dadka birimageydada ah ee ay leynayaan, shaydaanka iska naara oo haddii aad islaam tihiin ashahaata oo dagaalka joojiya.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply