“Shaqaale Walba oo Dawladda ah Waxaanu u Samaynaynaa Xisaab Bangi oo Gaara”

0
278

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa markii ugu horraysa sheegay in hanaanka mushahar bixinta ee shaqaalaha dawladda wax ka bedel lagu samaynaayo, isla markaana kor loo qaadayo dakhliga ay ku shaqeeyaan hawl-wadeenadda wasaaraddaha dalku.

Guddoomiye Sharmaake waxa kale oo uu sheegay in xukumad ahaan ay ka go’an tahay shaqo abuur loo sameeyo qaranka oo dhan, si meesha looga saaro shaqo la’aanta baahsan ee haysata dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena kor loo qaadayo tayada shaqaale waynaha dawladda.

Mudane Sharmaake Geelle isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aanu wax ka bedelaynaa hannaanka mushahar bixinta, shaqaale kasta oo dawladeed-na waxa aanu u samaynaynaa Xisaab Bangi oo u gaar ah tobabaro iyo xirfado ayaa la siinayaa, imtixaano furan baa gobolada lagu wada qaadayaa, tayeyntii shaqaalaha dawladda ayaa bilaabmaysa waana tirarka ugu waaweyn marka uu dalka tirakoobaayo shaqaalihiisa.”

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland waxa kale oo uu tilmaamay in hay’addiisu ay ku hawlan tahay sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa dhalinyarada dalka, waxaanu yidhi “Dawladdu waxa ay waddaa hannaankii shaqo abuurka, kaasi kaasi oo ka balaadhan in uun loo shaqeeyo, oo dhallinyarada halkooda qorshayaal shaqo abuur loogu sameeyo, iskaashatooyin iyo maalgelin loo sameeyo. Taas ayaa ah mudnaanta fulinta, Xukumadda uu madaxweyne Muuse Biixi hoggaamiyo, waxa qayb weyn ka ah in dib loo eego xoolaha, xasaanad iyo xirfada shaqaalaha dawladda, xirfadooda ayaa la kordhinayaa xoolahooda ayaa la kordhinayaa, wax u qalmo oo qaranka ay ugu adeegi karaan ayaa loo diyaarinayaa”.

Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, waxa uu sheegay in ay wax iska dhimeen tiradii guud ee shaqaalaha dawladda ee la rabay in ay is diwaangeliyaan sababo la xidhiidho xaaladdo ay ku maqan yihiin dadka la waayey isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “Tirada guud ee aanu rabnay waa 16533, waxaana is diwaangeliyey 14057 qof, waxaa jira dad shaqaalaha dawladda ah oo dhul yaal ah, in fasax ku maqan iyo kuwo fakad ah oo la waayey. markaa inta aanu diwaangelinay waa inta la helay, laakiin inta maqani caaglihii uun maahee in fasax ku maqan in dhul yaal ah iyo in dhimatayba way leeyihiin shaqaalaha dawladdu.”

Mudane Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in la buuxin doono boosaska ay beenneyeen dadkii la waayey, marka laga reebo inta ku maqan cudur-daarka dhabta ah “Tirada inta soo hadhay ee aan loo arag fasax oo aan dhul yaal ahayn iyo waxbarashana ku maqnayn markaa dawladdu waxa ay bilaabaysa hanaankii dib loogu habayn lahaa tirada banaanta sidii dadka wanaagsan ee shaqo doonka loogu buuxi lahaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Sharmaake oo u waramayay idaacada BBC-da, laanteeda afka Soomaaliga.

Hannaanka mushahar bixinta Shaqaalaha ee xisaabta ay ku yeelanayaan bangiga ayaa noqoysa markii ugu horraysa ee lagu dhiirado arrintaas waxaanay shaqaaluhu sugayaa goorta hawshaasi la bilaabi doono.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply