Xisbiga Waddani oo Cambaareeyay Dilkii Putland u Geysatay Taliyihii Ciidanka Qaranka ee Taleex

0
282

Hargaysa(Dawan)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa si adag u cambaareeyay jid-gooyadii maleeshiyaadka Puntland ku dileen taliyihii ciidanka qaranka ee degmada Taleex. ALLE ha u naxariistee Gaashaanle dhexe Saleebaan Cabdi Jaamac. halka uu dhaawac culusi ka soo gaadhay Maayarkii degmada Taleex ee gobalka Xaysimo Saleebaan Xaashi Axmed.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob) oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay, in tallaabo laga qaado maamulka Putland ee Soomaaliya, ee duulaanka ku soo qaaday Somaliland.

Guddoomiye Maxamuud Doob, waxa kale oo uu tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii marxuum Saleebaan Cabdi Jaamac iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay. waxaanu yidhi “Waxaan tacsi u diraynaa eheladii iyo qaraabadii ALLE ha u naxariistee taliyihii ciidanka qaranka ee degmada Taleex Marxuum Gaashaanle dhexe Saleebaan Cabdi Jaamac oo Putland jid-gooyo ku dishayl. ILLAAHAY ha u naxariisto ayaan leeyahay. Sidoo kale, waxaan tacsi u dirayaa qaranka Somaliland ee uu ka baxay sarkaal Saleebaan, samir iyo iimaanna ILLAAHAy ha inaga siiyo.

Gobolkaasi Xaysimo waa gobol aad u ballaadhan, waana xadgudub ay Putland inagu soo samaysay, waana in xukuumadda Somaliland ay tallaabo ka qaado maamulka Putland ee duulaanka innagu soo qaaday.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply