Laas Geel oo Lagu Daray 7-da Goobood ee ugu Faca Weyn Dunida

0
662

Hargeysa (Dawan)- Raadadka sawir gacmeedka ah ee ku xardhan buuraha Laas-geel ayaa ka mid noqoday 7 goobood ee ugu da’da weyn dunida, (Oldest cave paintings). Sidaana waxa lagu daabacay Mareegta Internet-ka ah oo lagu soo bandhigo arrimaha ugu faca weyn dunida.

Sida la ogsoon yahay dunida waxa laga helay farshaxano sawir gacmeedyo ah oo ku badbaaday godad iyo goobo gabaadyo ah oo ku yaal buuraha, kuwaas oo taariikhdoodu kala duwan tahay. Qaarkood ayaa taariikhdooda lagu tilmaamayaa in ay jireen tobnaan kun oo sanno ka hor.

Mareegta ama delegkan ‘’oo lagu magacaabo Oldest.org qiimaynta ay samaysay waxay ku salaysay dhinaca fac weynida ama wakhtiga loo malaynayo in la sameeyey sawir gacmeedyadaas. Raadadkan sawirada ahi dhammaantood waa kuwo ka horeeyey taariikhda qoran. Waxaana ay ka tarjumayaan fikirka dadkii hore ee ku noolaa goobahaas, Sida uu wakhti hore sheegay Paollo Pissaco oo ku takhasusay arrimaha Asaarta qadiimia ah

7-dan goobood raadadka sawirada ah laga helay waxay u badan yihiin kuwo muujinaya dad iyo xayawaan, marka laga reebo hal goob. Waxaana la rumaysan yahay in xayawaanku wakhtigaa ahaayeen waxyaabaha ugu dhow ee deriska la ah dadka.

7-da goobood ee ugu faca weyn dunida dhinaca raadadka sawir gacmeedyada oo mid kasta laga hadlayo inta loo malaynayo in ay jirto iyo cida heshay waxa ku jirto Laas-Geel oo Somaliland ah oo ay la yaab leh in ay ku jirto, sababta oo ah Laas Geel waxay ka mid tahay kuwa wakhtiyada dhow la helay. Waxay noqotay goobta ugu da’da weyn Geeska Afrika iyo guud ahaan qaarada Afrika.

Hadba waa kuwan 7-da goobood ee la shaaciyey in ay ugu fac weyn yihiin dhinaca raadadka sawir gacmeedka iyo wadamada ay ku yaallaan.

1) Altamire Cave: waxa uu ku yaal Spain, waxa la helay qarnigii 19aad, waxa helay Marcellino Sanz De Sautuolla oo sahmiye ah, waxa lagu qiyaasaa in ay jirtay 35,600 kun oo sanno ka hor. Godkan oo ku yaal waqooyiga Spain sawirada ku xardhan waxay ka kooban yihiin Dibi, Fardo iyo xayawaano kale. Wakhtiyo hore shaki weyn ayaa laga qabay xaqiiqonimada sawirada, waxaa loo haystay been abuur, laakiin sanadkii 1902 ayaa la ogaaday in ay xaqiiqo yihiin.

Altamire Cave waxa qiimayntu u aqoonsatay godka ugu faca weyn ee lagu ilaaliyey raadadka sawir gacmeedyada. Muuqaalka ugu mudan ee ku sawiran waxa ka mid ah Dibi xoog weyn oo giir iska kicinaya oo midabkiisu cas yahay, waxa la ogyahay in dagaalka dibidu caan ku yahay Spain.

2) Serra De Capivara, waxa uu ku yaal Brazil waxa la ogaaday qarnigii 19aad, waxa helay dadka loo yaqaano Clovis People. Waxa lagu qiyaasaa da’da sawiradiisa 23000 kun oo sanno dhalashadii Nebi Ciise ka hor. Waxa uu dhacaa waqooyiga Brazil, waa guryo la qoray iyo godad buuro ku yaal, wakhtigan waxa loo yaqaan xarunta dalxiiska ee Serra De Capivara. Sawirada ku yaal waxay u muuqdaan in ay muujinayaan Ugaadh iyo sida loo ugaadhsan jiray.

Dadka baadha arrimahan waxay qabaan in wakhtiga la sawiray raadadkan ay ka horeeyaan sida loo malaynayo ilaa 25000 kun oo sanno ka hor ayaa la qiyaaasayaa in la sawiray. Waxa se muran keenay deeganadaas oo dadka deganaa kala danbeeyeen.

Sawirada godadkan ka muuqdaa waxay isugu jiraan, xayawaano Duur-joog iyo dab-joog ah, dad, sidoo kale waxa ka muuqda sawiro muujinaya kulamo bulsho. Waxa kale oo ka muuqda sawiro u muuqda in ay tilmaamayaan dad ugaadh eryanaya.

3) Lascaux Paintings: goobtani waxay ku taal Faransiiska, waxa la helay qarnigii 19aad, waxa helay Marcel Ravidat, da’da sawirada waxa lagu qiyaasaa 17000 kun oo sanno ka hor. Waxay ku yaal koonfurta galbeed Faransiiska, waa godad isku dhafan, sawirada la arkay waa kuwo ka muuqda godka afkiisa hore, laakiin gudihiisa marka la gelayo waa in ilays lagu galaa.

Sawirada lagu arkay waxay isugu jiraan xayawaanada Ugaadha sida Deerada, Fardo iyo dibi. Godkan waxa laga helay muuqaal sawir kii ugu weynaa oo dibi ah, waxa dhererkiisu leeg 17 yahay hiish.

4) Bhimbetka: waxay ku taal gobolka Bhopal oo badhtamaha Hindiya ah. Waa godad buuro ah oo la rumaysan yahay in ay gabaad u ahaayeen dadkii hore. Waxa daahfuray Dr Vishnu Wakankar oo ahaa cilmi baadhe dhinaca Arkiyiloojiga ah. Goobtan waxay ka gooban tahay ilaa 600 boqol oo god oo sawir lagu xardhay. Muuqaalladan oo da’dooda lagu qiyaasay in ay la sawiray ilaa 12000 kun oo sanno ka hor waxay isugu jiraan muuqaallo kala duwan.

Muuqaallada ugu waaweyn sawiradan waxay ka mid ah Yaxaas, Shabeel, Libaax, dibi, Maroodi, Dayeer iyo muuqaalo kale oo ay ka mid yihiin dad fardo fuushan. Raadadka sawirada ayaa kala duwan waxaana ay u muuqdaan in la kala sawiray wakhtiyo kala duwan. Kuwooda ugu mudan waxa la sawiray wakhtigii Dhagax (Mesolithic Era). Muuqaalka sawirada oo lagu sawiray midab cagaar iyo hurdi ah, waxa loo malaynayaa in ay badbaadiyeen dhirta dhaadheer ee ka baxda buurahaas.

5) Laas Geel: Goobta Laas-geel oo 55km dhinaca waqooyi bari ka xigta Hargeysa, raadadka sawir gacmeedka ah ee ku xardhan buuraha Laas-geel waxa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwa ugu faca weyn bariga Afrika iyo guud ahaan qaarada Afrika. Waxa helay koox Faransiis ah oo khabiiro ku ah arrimaha Asaarta qadiimaga ah. da’da sawirada waxa lagu qiyaasaa 11000 kun ilaa 6000 oo sanno ka hor dhalashadii Nebi Ciise. Waa godad buuro ah oo isku xig-xiga, Muuqaalada sawiradan oo ay ka mid yihiin, dad, xoolo, ugaadh iyo xayawaano kale, ayaa lagu muujiyey midabo dhalaalaya oo aad u kala muuqda.

Khubarada Faransiiska ee helay goobtan waxay raadadka sawir ee ku xardhan godadka Laas-geel u kala qaybiyeen sidan: 15 sawir oo muuqaalo dad ahi ka muuqdaan, 68 muuqaalo xayawaan ah iyo 25 isugu jira waxyaabo kala duwan. Waxa ugu muuq dheer muuqaalo u muuqda dibi qoorta loogu xidhay maryo midabo cas cas leh, sidoo kale waxa ka muuqda sawir dad oo xidhan maryo midab cas leh. Waxa la sheegay in Laas Geel uu ku badbaaday iyada oo ay godadku qoraxda ka daboolan yihiin.

6) Cueva De Las Manos: waxa lagu magacaabaa goobtii gacmaha dadka, waxay ku taal Argentina, waxa helay dadkii reer yurub ee dhulkaa degay, waa buuro salax ah oo ay ka muuqdaan sawiro muujinaya gacmo dad, siiba shan farood iyo calaal. Cueva de las Manos ama godkan gacmuhu wuxuu ku yaal gobol, go’doon ah oo ku yaal Argentina, waa meel ay iska galaan buuro iyo dhul lama degaan u eeg. Waxa loo malaynayaa in gacmahani ka joogaan dad noolaa 9500 ilaa 13000 kun oo sanno ka hor dhalashadii Nebi Ciise. Sawirada ka muuqda waa gacanta bidix oo inta khad ama midab rinji u eeg la mariyey, ka dibna lagu dhirbaaxay dhagaxa salaxa ah. Raadadka sawirada kale way ku yar yihiin goobtaa.

7) Magura Cave: waa goobta todobaad, waxay ku taal Bulgaria, waxa la qiyaasayaa in da’da raadadka sawirada la sameeyey 8000 ilaa 5000 kun oo sanno dhalashadii Nebi ciise ka hor. waxa daahfuray guddi wasiiro ah oo dalka Bulgaria ah. Sawiro kala duwan oo gaadhaya 700 boqol ayaa godkaa ka muuqda, waxay isugu jiraan qaybo kala duwan sida muuqaalo dad iyo xayawaan, qalabka dadku isticmaalo, tirooyin, shimbiro iyo muuqaalo kale. Waxa ugu weyn sawir hadh ku jiro oo ah kan ugu weyn, waxaana ka muuqda qof dumar ah oo gacmaha kor u taagaysa.

Waxa lala yaaban yahay sawiradan markii la sawirayey waxyaabaha la isticmaalay. Dhab ahaan loo yaqaano, laakiin waa waxyaabo dabeeci ah, sida midabo laga tuujiyey dhagax, dhuxul iyo dhirta qaarkood, kuwaas oo suuro geliyey in sawiradaas ay wakhtigan soo gaadhaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply