Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xoogga saaraysa sidii loo tayayn lahaa, loona horumarin lahaa waxbarashada dalka, iyada oo xoogga la saarayo, tababarrada macalimiinta dugsiyada, agabka waxbarashada, dhiirrigelinta dugsiyada farsamada gacanta iyo in dugsiyada gaarka loo leeyahay ay raacaan manhajka qaranka loo dejiyey.
Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo xabay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, kadib fadhigii golaha wasiirrada ee Khamiistii, kaas oo guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isla markaana diiradda lagu saaray tayeynta horumarinta waxbarashada.
Warsaxaafadeedkaasi isaga oo dhamays-tiranna waxa uu u dhignaa sidan:- “Kal-fadhigii 16-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa diiradda lagu saaray tayeynta horumarinta waxbarashada dalka, sidoo kalena iyo sidii xoogga loo saari lahaa, tababarrada macalimiinta, agabka waxbarashada, dhiirrigelinta dugsiyada farsamada gacanta iyo in dugsiyada gaarka loo leeyahay ay raacaan manhajka qaranka loo dejiyey.
Taabbo-gelinta tababarrada macalimiinta oo muhiim u ah aas-aaska waxbarashada, iyada oo kor loo qaadayo xirfaddooda aqooneed, lana tayeynayo agabyada waxbarashada.
Iyadoo laga duulayo muhiimadda dugsiyada farsamada gacantu u leeyihiin shaqo abuurka iyo barashada xirfadaha kala duwan, waxay xukuumaddu hawlgelinaysaa dhammaan dugsiyadii farsamada gacanta ee dalka, si loo kobciyo mihnada aqoonta bulshada.
Waxa kale oo goluhu isla qaatay in waxbarashada gaarka loo leeyahay lagu dabbaqo manhajka qaranka Somaliland, si loo mideeyo waxbarashada dalka.”
Dawannews Hargeysa office