Kulan ku Saabsan Xuquuqda Carruurta oo loo Qabtay Laanta Socdaalka

0
308

Hargaysa (Dawan):- Wasaaradda shaqo gelinta, arimaha bulshada iyo qoyska Somaliland, ayaa shalay magaalada Hargeyska ka furtayu  kulan lagaga hadlayay xuquuqda carruurta, gaar ahaan, kuwa tahriiba iyo carruurta la xado ee lagala tallaabo xuduudaha dalka.

Kulankan oo socon doona muddo labo cisho ah, waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda shaqo gelinta, arimaha bulshada iyo qoyska Somaliland, waxaana munaasibaddii furitaanka ka soo qayb galay taliyaha laanta socdaalka Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib), agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo-galinta iyo arrimaha qoyska Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka socdaalka iyo madax ka socday wasaraddaasi.

Taliyaha laanta socdaalka Somaliland ayaa hadal ka jeediyay furitaankii munaasibaddaasi, waxaanay sharraxay muhiimadda kulankaasi u leeyahay ciidanka socdaalka, waxaanu yidhi “Kulanka ay soo qaban qaabisay wasaaradda shaqo galinta iyo arimaha bulshada Somaliland, fursad ayay u tahay ciidanka laanta socdaalka, in tababar lagaga hadlayo xuquuqda carruurta loo qabto oo ay bartaan xuquuqda carruurta oo ay ku dabbaqaan shaqada ay gacanta ku hayaan, aad iyo aad ayay u wanaagsantahay.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo-galinta iyo arrimaha bulshada oo isna munaasibaddii furitaanku kulan hawleedkaas ka hadlay, ayaa sheegay in wasaaraddiisu qaranka ay u qaabilsan tahay carruurta. isla markaana loo baahan yahay in ay ciidanka socdaalka u qabtaan kulankan.

Agaasimaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maadaama oo aannu qaranka u qaabilsannahay carruurta iyo arimaha bulshada, waxa aannu iskugu nimid oo aannu shirkan kaga hadli doonnaa, xidhiidhka ka dhaxeeya tahriibka iyo xadadka laga tallaabayo, carruurta la xadayo iyo carruurta wadamada jaarka ah inooga imanaya. waxaas oo dhan xuquuqdooda iyo daryeelkooda, xeerka carruurta Somaliland iyo xeerarka caalamiga ahiba waxay sheegayaan in la ilaaliyo carruurta.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply