Maamulka Dekedda Berbera oo Kordhiyay Saacadaha Shaqada

0
289

Hargaysa (Dawan):- Maamulka Dekada magaalada Berbera iyo shirkada Dp World, ayaa sheegay in ay laban-laabeen shaqadii iyo adeeggii ay dekeddu u haysay bulshada. Isla markaana ay kordhiyeen saacadihii shaqada ee loogu adeegayay ganacsatada wax kala soo degta marsada.

Mareeye ku xigeenka dekedda Berbera, Cabdi Cabdillaahi Xasan (Mataan) iyo madaxa macaamiisha ee shirkada Dp World Maxamed Cabdi Gurxan, oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la kordhiyay saacadaha shaqada ee dekeda Berbera. waxaana ay tilmaameen in saacadaha shaqadu ay noqon doonaan 6:30 subaxnimo ilaa 6:30 habeennimo.

Mareeye ku xigeenka dekeda Berbera oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaannu dardar galinay shaqada dekeda Berbera. ujeedada aanu hawshan u wadnaana waxa weeye, hagaajinta adeegga ay dekeda Berbera bixiso.

Sannadkii hore qalabka ayaa nagu yaraa, wixii qalab ahaa ee dekedda Berbera ay u baahnayd shirkada Dp World way soo dhamaystirtay. waxaana ugu dambeeyay wiishashkii oo saddex ah oo noo yimi. waxaan filaynaa in shanta bisha soo socota uu nasoo gaadho taaggii.”

Madaxa macaamiisha shirkada Dp World Maxamed Cabdi Gurxan oo isna ka hadlay kulan saxaafadeedkaasi ayaa yidhi “Waxaynu geli-doonnaa dhoofkii mooshinkii xajka ee xoolaha. waxaana soo kordhi doona badeecadaha soo dega xilliyada ciidda Carafo.

Badeecadahaas oo aannu filayno in ay dekeda soo gaadhaan toddobaadka soo socda. waxaannu kordhinay xilliyada shaqada ee aaga cashuuraha iyo fasaxaadda cashuuraha ee dekeda Berbera. waxaana la shaqayn doonaa 6:30 subaxnimo illaa 6:30 habeennimo.

Ganacsatada iyo wax kala soo degaya Dekeda Berbera, waa in ay si fiican uga faa’iidaystaan. habeenkiina waxaa la rari doonaa alaabta dhismaha ah iyo raashinka iyo waxyaabaha kale ee la mid ka ah, waxaana naga go’an ku shaqaynta hawshaa aanu dejinay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply