Nuxurka Kulan Madaxweyne Muuse la Qaatay Aqoonyahanno iyo Diblomaasiyiin Ajaanib ah

0
280

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan maamuus iyo is xogwaraysi ah la qaatay aqoonyahanno iyo diblomaasiyiin ajaanib ah, oo dalka ku sugan, kuwaasi oo isugu jira qorayaal, cilmi-baadhayaal iyo mu’allifiin, ka socda dalalka caalamka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa casho sharaf ugu sameeyay xarunta qasriga madaxtooyada in ka badan boqol xubnood oo aqoonyahan ah, waxaana munaasibadaasi ku wehelinayay xubno kamid ah golihiisa wasiirrada, siyaasiyiin iyo xubnahan martida ah oo dalka u yimi ka qayb galka carwada caalamiga ah ee buugaagta, (Hargeisa International Book Fair).

Xubnahan isugu jira aqoonyahanka iyo diblomaasiyiinta ka socda dalalka caalamka oo dhan, ayaa munaasibadaasi ka jeediyay hadallo salka ku hayey horumarka dhinacyada badan leh ee ay jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay, sida ay caanka ugu tahay soo dhaweynta martida dunida kale ka timaadda, ammaanka iyo xasiloonida ay ku naaloonayso in ka badan 27 sannadood.

Guddoomiyaha xarunta dhaqanka Hargeysa, Mudane Jaamac Muuse Jaamac oo ugu horrayn madasha hadal ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay xarun ahaan ugu jiraan in ay Somaliland ku soo jeediyaan indhaha caalamka iyo sida ay martida ajaanibka ah ee dalka timaadda ula dhacsan yihiin nabadda iyo horumarka ka tisqaaday dalka jamhuuriyadda Somaliland oo rejo iyo yididiilo cusub ku beera cid kasta oo dalka timaadda.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo isaguna munaasabadda casho-sharafta ah ka hadlay, ayaa si mug leh u soo dhaweeyey martida ajaanibka ah ee dalka ku sugan, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in ay joogaan dal nabad ah oo dadkiisu caan ku yihiin marti-soorka iyo soo dhaweynta, kuna tallaabsaday horumar.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna hadal dhinacyo badan taabanaya u jeediyey martida ajaanibka ah ee dalka ku sugan, ayaa ugu horrayn soo dhaweeyey martida, waxaana uu xusay in ay Somaliland tahay qaran hore u tallaabsaday, kuna kalsoon horumarkiisa. Balse aanu caalamku weli aqoonsan, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlayay uu yidhi, “Dhammaan aqoonyahanka, hal-abuurka, filim sameeyayaasha iyo dadka aqoonta badan ee dalalka kala duwan ka yimi ee carrigayaga nagu sharfay inay yimaaddaan. waxaan leeyahay soo dhawaada, ku soo dhawaada dal nabad ah, dimuqraaddi ah, aragti horumarineed ku socda, nabadgeliya caalamka, jecelna inuu caalamka wax la qabsado, haddana aan la aqoonsan. laakiin iyagu is aqoonsan, ogna inay maalin ciddi aqoonsan doonto.”

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu shaaciyey in ay Somaliland tahay qaran gacantiisa ku abuuray nabad iyo horumar, isla markaana diyaar u ah inuu dunida uga faa’iideeyo waayo-aragnimada durugsan ee uu u leeyahay xallinta khilaafaadka, waxaanu yidhi “Somaliland waxa ay ka soo bilaabantay 28-sanno ka hor meel adag. Waayo-arag badan bay ku qaadatay sida nabadda loo dhiso ee colaadaha loo damiyo, waxaana ay waayo-arag ku tahay sida haykalka dawladeed loo dhiso oo laga soo bilaabo meel eber ah, iyada oo aanay gacan shisheeye soo gelin, cidina aanay ka taageerin.

Somaliland, waxay diyaar u tahay in ay waayo-aragnimadeeda u gudbiso jaararkeeda iyo dalalka kale ee adduunka oo ay kamidka tahay walaalahayaga Soomaaliya oo ay dhibaato badani haysato oo aanu wax badan uga tari lahayn. laakiin ay na dabrayso aqoonsi la’aanta caalamku.”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dunida cod dheer ugu sheegay in ay Somaliland mar walba muhiimad gaar ah siinayso nabadda iyo xasilloonida. isla markaana deriskeeda wanaag ugu baaqayso, waxaana uu yidhi, “Waxaannu nahay dal nabad ah, isagu is nabad geliyey, dhibaatooyinkiisa iyo khilaafaadka gudihiisana xallista, caalamka iyo jaarkayagana waxa aanu ugu baaqaynaa nabad, horumar iyo is-kaashi caalami ah.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply