Wasiirka Caddaalada oo Dhambaal uu ka Sidey Madaxweynaha Gaadhsiiyay Ugaaska Guud ee Beelaha Ciise

0
318

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda caddaaladda Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Farriid), ayaa kulan la qaatay Ugaaska Guud ee Beelaha Ciise Ugaas Rooble, ’xubnaha guddida Gendaha beelaha Ciise iyo Maayerka magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya.

Wasiirka oo socdaal shaqo ku joogay maalmihii u dambeeyay dalka Itoobiya, ayaa magaalada Diridhaba kulan booqasho ah ugu tegay Ugaaska Guud ee Beelaha Ciise iyo xubnaha gudiga Gandaha ee beelahaasi. waxaanu wasiirku gaadhsiiyay Ugaaska dhambaal Salaan shafeed ah oo uu uga siday Madaxweynaha Somaliland.

Ugaaska guud ayaa dhankiisa wasiirka uga mahad celiyay booaqashada uu gurigiisa ugu yimi wasiirka caddaaladda Somaliland iyo dhambaalka uu madaxweynaha uga siday.

Dhinaca kale, wasiirka, ayaa muddadii uu socdaalka shaqo ku joogay dalka Itoobiya, waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay madax sare oo ka tirsan dawladda Itoobiya.

Wasiirka, ayaa socdaalkiisu ku soo dhammaaday jewi wanaagsan iyo guul. isla markaana ku soo noqday xarunta Jamhuuriyadda Somaliland ee Caasimadda Hargeisa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply