Xildhibaan ku Baaqay in Gacan Bir ah lagu Qabto Dadka Colaadda Hurinaya

0
287

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Budeeye, oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay gacan bir ah wax kaga qabato dadka colaadda ka hurinaya deegaannada gobolka Sanaag.

Xildhibaan Cabdikariin, ayaa sidoo kale, ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Ceeryaanta ee gobolka Sanaag, in ay colaadda joojiyaan oo ay nabada qaataan. Isla markaana ay joojiyaan dhiiga dadka aan waxba galabsan ee macno darrada lagu daadinayo.

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Budeeya, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xukuumadda talada heysa waxaan ugu baaqayaa in ay gacan bir ah wax kaga qabato dadka hurinaya colaadda deegaanadda gobolka Sanaag.

Ninka qoriga sita, dhafoorka xabbad ha lagaga dhufto, oo si adag, ha loola dagaalamo. intii ay iyagu is dhammayn lahaayeen, ha la badbaadiyo dhiiga dadka shacabka ah oo daalinka ha laga qabto, oo gacan ku dhiiglaha maxkamadda ha la soo taago oo innagu yaynaan hoosta isa soo gashan.

Waxaan leeyahay, hawlaha nabaddaynta cidda carqaladeysa tallaabo sharciya ha laga qaado. Xukuumadda waxaan ku adkaynayaa in ay gacan bir ah wax kaga qabto, waana in xukuumadda lagu taageera.”

Mudane, Cabdixakiin waxa kale oo uu labada beelood ee walaalaha ah ugu baaqay in ay nabad qaataan, oo ay colaadda joojiyaan, waxaanu yidhi “Iyada oo aan maanta loo kala maqneyn culimo, madax-dhaqameed, waayeel iyo waxgarad ba. dadkan in badan ayaa la dhex-galay oo loo garnaqay. in badan ayaa la dhex-dhexaadiyay oo aan lagaga hadhin oo loo fadhiya.

Dadkan walaalaha ah ee ay colaadoodu soo noqnoqotay, waxaa haysta dhaartii badnayd iyo kunkii Kitaab ee ay mareen. Kitaabku waa kitaabkii Illaahey. Marka Kitaabka lagu dhaartana waxaa la doonayaa in lagu dhaqmo. Ninkii kitaabka maray haddii uu dhibaato ka shaqeeyo, waddanku wuu gubanayaa. markaa waxaan leeyahay kitaabkan aad maalin walba mareysaan ka dhab sheegaa, oo Illaahiinna idin abuurtay ka cabsada.”

Xildhibaan Cabdikariin waxa kale oo uu intaasi ku daray “arrinkaasi ha laga waantoobo, Illaaheyna haw naxariisto intii dhimatay, qarankii Somaliland cid maanta idinka maqanina ma jiraan. Fidnadu way hurudaa, ninkii toosiyana cadho Illaahay ayaa ku dhacaysa. waxaan idin leeyahay caqligu ha taliyo oo nabadgeliyada ha laga taliyo oo dadkan Islaamka ah ee idin dul fadhiyana naxdinta ka daaya.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply