Xukuumadda oo Hirgelinaysa Qorshaha Labaad ee Horumarinta Qaranka (NDPII)

0
294

Hargeysa (Dawan)- Kal-fadhigii todoba iyo tobnaad (17-aad) ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa khamiistii dorraad (26/07/2018), lagu gorfeeyey arrimo badan oo la xidhiidha dhinaca amniga, horumarinta arrimaha bulshada iyo hirgelinta mashruucii shaqo qaran.

Goluhu waxa uu warbixin ka dhegeystay wasaaradda Arrimaha gudaha jamhuuriyadda Somaliland, oo ku dheeraatay xaaladda guud ee nabadgelyada qaranka.

Iyadoo laga duulayo qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (NDPII), waxa uu goluhu isla qaatay in la soo horumariyo adeegyada asaasiga ah ee arrimaha bulshada, sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada, kalluumaysiga, xannaanada xoolaha, iyo waddooyinka.

Sidoo kale, waxa uu golaha wasiirradu isku raacay hirgelinta biyo xidheenno waa weyn oo lagu joojin doono qul-qulka biyaha ee dooxyadu ay ku daraan badaha, mararka qaarna sababa qasaare laxaadleh oo naf iyo maalba leh. Si looga hortago, baahida biyo yaraaneed ee dalka ka jirta, loogana faa’iidaysto biyahaa baaxadda leh. Waxaa dhaamamkaas laga hirgelin doonaa dhammaan gobollada dalka, iyada oo qorshuhu yahay in bisha siddeedaad ee sannadkan 2018-ka, labada biyo xidheen ee ugu horreeya laga bilaabi doono gobolka Daad-madheedh (Oodweyne) iyo koonfurta caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Ugu danbayn golaha wasiirada waxa la horkeenay mashruucii shaqo qaran oo hore madaxweynuhu ugu xilsaaray guddi soo diyaarisa, soona deraasadaysa qorshihiisa. iyadoo ay guddidaasi wejigii koowaad ee mashruuca soo dhamaystireen, dhawaanna la bilaabi doono hirgelintiisa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply