Guddiga Qandaraasyadda oo Shaaciyay Shirkadda Ku Guulaysatay Dhismaha Xabsiga Gabiley

0
278

Hargaysa (Dawan): Guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland, ayaa shaaciyay in shirkadda dhismaha ee Xaaji Muuse Contraction, ay ku guulaysatay tartan loo galay dhismaha xabsi weyn oo laga dhisayo magaaladda Gabiley.

Tartanka qandaraaskan dhismaha xabsiga Gabiley, oo ay guddida qandaraasyada qaranku hore ugu shaacisay warbaahinta, ayaa waxa ka qayb qaatay 33 shirkadood, kadib markii guddiga qandaraasyadda qaranku kala hufeen shirkadahaasi waxaa isugu soo hadhay 9 shirkadood.
Wejigii labaad ee kala shaandheynta sagaalka shirkadood, ayaa waxaa isugu soo hadhay liiskii kama-dambaysta ahaa, afar shirkadood oo kala ahaa Xaaji Muuse Contraction Company, Libaax Construction Company, Bilan Construction Company iyo Dileyta Construction Company.
Guddidas qandaraasyadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay shaaciyeen in markii la eegay dhamaanba shuruudihii looga baahnaa shirkadahaasi, in shirkadda Xaaji Muuse Contraction Company ay ku guulaysatay dhismaha qandaraaska xabsiga dhexe ee Gabiley.
Munaasibad lagu shaacinayay shirkadda ku guulaysatay dhismaha xabsigaasi oo shalay lagu qabtay xarunta guddiga qandaraasyadda qaranka ee magaaladda Hargaysa, waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda, xubnaha gudigaasi, iyo masuuliyiin ka socday afartii shirkadood ee ku soo baxay liiskii kama-danbaysta ahaa.
Guddoomiyaha guddiga qandaraasyada qaranka jamhuuriyadda Somaliland, Nuux Maxamed Xuseen, ayaa madashaasi kaga dhawaaqay shirkadda ku guulaysatay tartanka iyo sababta ay ku xusheen shirkadda Xaaji Muuse Contraction Company ee iyadu ku guulaysatay.
Nuux Maxamed Xuseen isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Tartankaasi waxaa liiskii kama-danbaysta ahaa isugu soo hadhay afarta shirkadood ee kala ah, Xaaji Muuse Contraction Company, Libaax Construction Company, Bilan Construction Company iyo Dileyta Construction Company.
Markii aanu soo eegnay qalabka 4-taas shirkadood, qiimayna ku samaynay, waxaa noo soo baxday in shirkadd Xaaji Muuse Contraction Company qalabkeedda, haddii uu yahay agabka ay haysato, haddii ay tahay waxyaabaha dhismaha ee ay haysato.
Waxaa noo soo baxday, in shirkadaasi haysato dhamaanba qalabkii loo baahnaa. Looxii, Jiingadii, Jaajuurkii, Sibidhkii, Makiinadii Alxankii, gaadiidkii iyo dhammaan ba waxyaabihii looga baahnaa shirkad dhisme. Waxaannu ku qanacnay in hawshaasi ay ka bixi karayso, tartankiina ay ku guulaysatay shirkadda dhismaha ee Xaaji Muuse Contraction Company”.
“Shirkad kale oo intaas na tustay ma jirin. Sidaas ayaannu ugu dooranay, isla markaana ay ku heshay shirkadda Xaaji Muuse Contraction Company, dhismaha xabsiga dhexe ee Gabiley. Maadaama saddexdii shirkadood ee kale qalabkaas aanay soo bandhigin.
Markaa waxaan leeyahay 3-dii shirkadood ee kale, nasiib wanaagsan ayaannu idiin rejaynaynaa, una hambalyeeya, uguna duceeya shirkadaa heshay” ayuu yidhi Nuux Maxamed Xuseen, guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland.
Geesta kale, Kayse Xaaji Muuse, oo ku hadlayay afka shirkadda Xaaji Muuse Contraction Company, ee ku guulaysatay qandaraaska dhismaha jeelka weyn ee Gabiley, ayaa u mahad celiyay guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland, waxaanu ku bogaadiyay hannaanka cadaaladda ah ee ay ku shaqaynayaan.
Waxaanu sheegay in aanay weligood guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland kala kulmin caddaalad noocan oo kale ah. isla markaana ay ku faraxsan yihiin in ay ku guulaysteen tartankii la qabtay. Waxaanu yidhi “Beryihii hore waxaa dhici jirtay in aanay caddaalad sidan oo kale ahi jirin. Iyada oo shirkaddo boorso lagu sito ay ku guulaysan jireen qandaraasyadda noocan ah.”
Kayse Xaaji Muuse, waxa kale oo uu intaasi ku daray “Nasiibkayaga ayaa na siiyay, caddaalad-na waa lagu kala saaray, si wanaagsan oo daah-furan-na waa loo qabtay kala saarista tartankii shirkadaha. Waanan ku faraxsanahay. Caddaalad ayuun baana dadka deeqda, caddaalad ayaana halkan ka dhacday”.
Dhinaca kale xubno ku hadlayay magaca saddexdii shirkadood ee ka mid ka ahaa afartii shirkadood ee liiska kama danbaysta ah soo gaadhay, balse lagaga guulaystay tartankaasi ayaa dhinacoodda guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland ku ammaanay habkii caddaalada ahaa ee ay u kala saareen shirkadihii tartankaas ka qayb galay.
Waxaanay shirkadda ku guulaysatay qandaraaska dhismaha xabsiga Gabiley, ugu hambalyeeyeen in ay ku guulaysato tartankaasi. Waxaanay tilmaameen in guddiga qandaraasyadda qaranku ay muujiyeen caddaalad, oo ay ku tilmaameen in uu la mid ahaa nidaamyadda ay raacaan hay’adaha iyo shirkadaha caalamku.
“Arrintani waa mid ugub ah. Nidaamka iyo hannaanka ay guddiga qandaraasyadu u mareenna wuxuu la mid yahay habka ay maraan ama isticmaalaan shirkadaha iyo hay’adaha caalamiga ah. waana sida laga doonayo in Somaliland nidaamkeedda loo maro, dadkana waxaa deeqda caddaalad. Saaxiib iyo xigto waxyaabahaasi ma deeqaan,” ayuu yidhi masuul ku hadlayay magaca shirkadda Libaax Construction Company, oo ka mid ahayd saddexda shirkadood ee lagaga guulaystay tartanka.
“Guddiga qandaraasyadda waanu uga mahad naqaynaa, sida caddaaladda ah ee ay uga gar-naqeen 33-kii shirkadood ee ka qayb galay tartankaasi iyo shuruudihii lagu xidhay”, ayuu yidhi sarkaal ku hadyay magaca shirkadda Bilan Construction Company, oo iyaduna ka mid ah saddexda shirkadood ee ku hadhay wejigii labaad ee kala saarista afarta shirkadood, waxaanu intaasi ku daray “Qofkii ILLAAHAY (SWT) u qoray ayuun baa helay, si kastaba ha ku qaatee, xagga sare ayaanay arrimuhu ka qoran yihiin. Afartii shirkadood ee isku soo hadhayna ma wada guulaysteen, balse mid uun baa heli lahayd. Shirkadaa heshayna, waa shirkad reer Somaliland ah, oo wadanka xaq ku leh”.
Sidoo kale, sarkaal ku hadlayay magaca shirkaddas Dileyta Construction Company, oo ka mid ah saddexdii shirkadood ee ku dhadhay wejiga labaad ee tartankan, ayaa ku ammaanay guddida qandaraasyada qaranka sida caddaalada ah ee ay ugu garsooreen shirkadihii ku tartamayay qandaraaska dhismaha jeelka Gabiley, waxaanu yidhi “Si caddaalad ah, oo xalaal ah ayay u dhacday qandaraaskii loogu tartamayay dhismaha jeelka weyn ee Gabiley, oo ay ku guulaysatay shirkadda Xaaji Muuse Construction Company. Waanan ugu hambalyaynaynaa.
Sidoo kale waxaan u hambalyaynayaa shirkadihii kale ee liiska kamadanbaysta ah isugu soo hadhay ee afarta ahaa. Sida walaaltinimadda leh, ee qiimaha leh, ee sharafta leh ugu hambalyeeyay shirkadda ku guulaysatay tartankaasi”.

 

Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland

Leave a Reply