Guddoomiyaha UCID oo ku Baaqay In Bilad Geesi la Siiyo Aabihi Labada Wiil Ku Waayay Shaqaaqadii Ceeryaanta

0
242

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha xisbiga caddaalada iyo daryeelka UCID En. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay bilad sharaf uu sheegay in la siin doono aabihii labada wiil ku waayay shaqaaqadii deegaanka Ceeryaan, taasi oo uu sheegay inuu ku mustaystay wanaagii uu sameeyay.

Sidoo kale waxaa uu xusay in madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu macsuun u fidin doono aabahani, waxaanu sidan ka sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Ceerigaabo.
En. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Socdaalkaygu waa socdaal gaaban, waxaanay la xidhiidha nabeydii ka socotay degadda Ceel-afweyn bilowgii waatan imid oo hada gabo gabo ah, ayaan doonayay inta hadhayna inaan ducada ku sii daro, waxaa kale oo aan bogaadinayaa dadkii ku jira nabadeynta deegaanka Ceeryaan reerkii ay ku dhacday dhibaataduna ay ku dhacday aan ugu keeno tacsiyad, ninkaasi wanaagii uu sameeyayna waxaa ay keentay in aduunka oo dhan laga barto, biladii ugu weyneyd ee qaranka Somaliland inaynu siino, madaxweynaha qaranka Somalilandna aan idhaaho macsuun waayo waa qof ku dayasho mudan dhaqaalena loo sameeyo si carruurtiisa iyo kuwa agoonta ah,waxaan aad u boorinayaa dadka Ceeryaan iyo duqeytideeda iyo dadkii dadku ka dhinteen oo wax aan hore loo arag u sameeyay, “

Leave a Reply