Xujeydii ugu Horreysay oo ka Dhooftay Madaarka Magaalada Hargeysa

0
297

Hargeysa (Dawan) Dufcaddii ugu horraysay oo ka mid ah Xujeyda reer Somaliland, ee sannadkan ka qayb qaadanaya gudashada waajibaadka Xajka, ayaa shalay ka dhoofey madaarka diyaaraddaha ee magaalada Hargeysa, xujaydaasi oo ay tiradoodu dhan tahay 70 qof.

Xujeydaydan ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee laga dajin doona garoonka diyaaradaha ee Madiina ee dalka boqortooyada Sacuudi Arabiya, iyada oo markii hore laga dejin jiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Jida, ee isla dalkaasi Sacuudi Arabiya.
Wasiirka diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo sii sagootiyay xujaajtii shalay ka dhooftay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay yihiin waftigii ugu horreeyay ee ka dega madaarka magaalada Madiina, taasina ay tahay guul inoo soo hoyatay, waxaanu yidhi “Waa markii ugu horreysay ee Madiina laga dago. Waxaa laga dejin jiray magaalada Jidda, iyada oo dadku ay ka raaci jireen Basas todoba saacadood u kala safri jiray Jidda ilaa Madiina. waxaanu rajeynaynaa in Illaahey nabad qab ku gaadhsiiyo waftigii Illaahey weeye, waxaa la yidhaahdaa wefti Raxmaan.”
Wasiir Khaliil waxa uu intaasi raaciyay “Xujaajtan shaqo wanaagsan ayaa loo qabtay, aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa, cid kasta oo ka qayb qaadatay maanta, hawlgalkaa qiimaha leh ee runtii uu ka sheekeeyeen masuuliyinta shirkada Ocien Airline oo aad maanta midhaheedii wada arkeysaan. waa loo baahnaa in loo khidmeeyo xujaajta, ajar baana laga helayaa, waxa ay fulinayaan arkaanta Islaamka rukun ka mid ah. Qof kasta oo caawiya una khidmeeya barakadeeda ayuu helayaa.”
Taliyaha laanta socdaalka Somaliland sarreeyo guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) ayaa faahfaahin ka bixiyay tirada xujeyda ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi “Inaynu sagootino xujeyda

Leave a Reply